Liverpool ayaa diiwaan gashatay rikoorka taariikhda Premier League intii lagu jiray khamiistii 3-1 ay kaga badisay Sheffield United.
Markii la daawaday Arsenal iyo Manchester City oo guulo ka gaaray kulamadoodii ay la ciyaareen Luton Town iyo Aston Villa arbacadii, kooxda Jurgen Klopp ayaa cadaadis lagu saaray inay raacdo si ay ugu sii jiraan hogaanka horyaalka.
Kooxda Merseyside-ka ayaa ahayd kooxda ugu cad-cad in ay badiso kulanka ay la ciyaarayeen kooxda ugu hoosaysa horyaalka premier League.
Intii lagu jiray xilli ciyaareedkii Premier League, ma jirin koox waligeed haysatay wax ka badan 83% kubad haysashada hal kulan, Manchester City ayaa 82.9% ka heshay Swansea City 2018kii oo ahaa kooxda ugu awooda badan kubada.
Liverpool ayaa taas bedeshay habeenimadii Khamiista, iyadoo heysatay 83.1% kubad heysashada kulan ay sidoo kale haysteen 29 marka loo bar-bar dhigo Sheffield United oo heshay shanta laad.
Be the first to comment