Tababaraha kooxda Chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa ku adkaystay in kooxdiisu ay u qalantay in ay 4-3 kaga badiso Manchester United habeenkii Khamiista, inkasta oo ay qaadatay mid ka mid ah dhamaadkii ugu layaabka badnaa ee taariikhda Premier League.
Ka hor bilowgii kulanka, Pochettino ayaa ku tilmaamay kulanka inuu yahay mid ay ku qasban yihiin inay badiso haddii Chelsea ay dooneyso inay ceshato rajada dhabta ah ee u soo bixitaanka Yurub xilli ciyaareedka soo socda.
Kadib ciyaarta Pochettino ayaa ka hadlay natiijada kooxdiisa waxana uu yidhi”Waxa uu ahaa kulan cajiib ah sababta oo waanu u qalanay, waxa aan ahayn kooxda fiican cadaalad ayayna ahayd in aan badino”.
“Ciyaarta si fiican ayaan ku bilownay, ciyaarta ayaana gacanta lagu haayay, kadib waxaan sameynay qalad kaasoo saameyn nagu yeeshay, ma ahayn mid ay fududahay in aan ciyaarto maamulno”.
“Haddii aad falanqeyso ciyaarta, natiijo cadaalad ah, waa muhiim, dhamaadka, in aan ku dhameyno habka aan ku dhameysaneyno – abuurista xiriirka ka dhexeeya taageerayaasha iyo ciyaartoyda”.
Guusha ay gaartay Chelsea ayaa kooxda u rartay inay soo gasho booska 10-aad ee kala sareynta Premier League, iyadoo shan dhibcood ka hooseysa United oo ku jirta kaalinta lixaad, iyadoo uu kulan baaqi u yahay.
Be the first to comment