12 Kulan Oo Uu Odegaard Ka Maqnaan Doono Arsenal Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay.

Martin Odegaard ayaa rajeynaya inuu ku soo laabto sideed usbuuc ka dib markii dhaawac kuraanta ah soo gaadhay.

Kabtanka Arsenal ayaa la filayaa in uu soo laabto kulanka Nottingham Forest kadib fasaxa xulalka ee bisha November.

Mikel Arteta ayaa warka xun u sheegay kooxdiisa iyo xulkiisa isla markaas sheegay in uu dhaawacu ka xun yahay sidii la filayay.

Kulanka ugu horeeya ee uu Odegaard maqnaan doono premier League ayaa ah kulanka ay Axada la ciyaari doonaan Man City.

Sidoo kale xiddiga ayaa la filayaa in uu maqnaado kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Liverpool 27 bisha Soo socota.

Sidoo kale Odegaard ayaa kooxdiisa ka maqnaan doona kulanka ay la ciyaari doonaan chelsea premier League.

Halkan Kaga Bogo kulamada uu Odegaard ka maqnaan doono kooxdiisa:

September 19 – Atalanta (A) Champions League

September 22 – Manchester City (A)

September 25 – Bolton (H) Carabao Cup

September 28 – Leicester (H)

October 1 – PSG (H) Champions League

October 5 – Southampton (H)

October 19 – Bournemouth (A)

October 22 – Shakhtar Donetsk (H) Champions League

October 27 – Liverpool (H)

November 2 – Newcastle (A)

November 6 – Inter Milan (A) Champions League

November 10 – Chelsea (A)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga