Yaab: Casemiro Oo Ku Biiray Koox Cusub, Sidee Ayay Wax U Jiraan.

Mid ka mid ah kooxaha Spain gaar ahaan heerka 3-aad ayaa ku dhawaaqday inay la soo wareegeen xiddiga Manchester United Casemiro, iyadoo war rasmi ah soo saartay.

Mustaqbalka Casemiro ayuu shaki weyn ku jiraa iyada oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda Man United iyada oo lala xidhiidhinayo horyaalka sucuudiga.

Talaabo la yaab leh ayay kooxda Marbella ugu dhawaaqday in ay la soo wareegtay adeegga Casemiro, laakiin maaha ciyaaryahan ahaan waxana uu ka mid noqday dadka saamiga ku leh kooxda kadib markii ay kor u soo dalacday una timid heerka 2-aad.

Marbella ayaa bayaan rasmi ah ku tiri: “Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno in Carlos Henrique Casemiro, xiddiga Manchester United, ciyaaryahanka xulka qaranka Brazil iyo ku guuleystay shanta jeer ee Champions League, uu noqday saamile cusub oo ururkayaga laga bilaabo maanta.”

Xiddiga khadka dhexe ee Casemiro ayaa si weyn ugu dhibaatoonaya kooxda Man United xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga