Xulka England Oo U Dhaqaaqaya Pep Guardiola.

Xidhiidhka FA-ga England ayaa lagu soo waramayaa in ay wax walba u samaynayaan sidii ay u soo xero galin lahaayeen Tababaraha Man City ee Pep Guardiola.

Guardiola ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Iyada oo Guardiola la filayo in uu ka tago kooxda Man City Xulka England ayaa isha ku haya in ay soo xero galiyaan Tababaraha.

Xulka England ayaa bilaa tababare ah tan ilaa markii ay shaqada ka caydhiyeen Gareth Southgate.

Tababare ku meel gaadh ah ayaa hogaaminaya xulka England kulamada caalamiga ah ee bishan iyo bishii Hore.

Xulka England ayaa raadinaya tababare cusub oo hogaamiya xulka qaranka kulamada caalamiga ah ee soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga