WARBIXIN: Tartanka Loogu Jiro Kaalinta 3-aad Ee Tartanka Euro 2024.

Wareega 3-aad ee Group-ka A ee tartanka Euro 2024 ayaa si xamaasad leh ku soo idlaaday kulamadii Germany ay la ciyaareen Switzerland, halka Hungary ay la ciyaartay Scotland.

Xulka qaranka Germany ayaa daqiiqadii 100-aad ee ciyaarta dhaliyay goolka bar-baraha iyaga oo ku dhamaystay kaalinta 1-aad ee Group-ka A.

Xulka qaranka Hungary ayaa isna daqiiqadii 100-aad dhaliyay goolka guusha iyaga oo ka badiyay xulka qaranka Scotland.

Wareega 16-ka Euro 2024 waxa u gudbaya 4 xul oo ku dhamaystay kaalinta 3-aad si loo dhamaystiro wareega maadama 12 xul u gudbi doonaan wareega.

Kadib guushii ay ka gaadheen xulka Scotland, Xulka Hungary ayaa haysta fursad ay ugu gudbi doonaan wareega xiga iyaga oo ku dhamaysanaya kaalinta 3-aad laakiin waxa ay sugi doonaan natiijooyinka xulalka kale ilaa Arbacada.

Waxa aan halkan ku soo bandhigi doona kala saraynta kooxaha ku dhamaysan kara kaalinta 3-aad ee ugu fiican.

Austria: 3 Dhibcood oo ay ka heleen laba kulan Iyo hal gool oo farqi ah.

Slovakia: 3 dhibcood oo ay ka heleen laba kulan, ma jiro farqi goolasha ah.

Hungary: 3 dhibcood oo ay ka heleen 3 kulan, 3 gool ayaa lagu leeyahay.

Slovania: 2 dhibcood oo ay ka heleen 2 kulan ma jiro farqi goolasha ah..

Albania: 2 dhibcood oo ay ka heleen 2 kulan, gool ayaa lagu leeyhaay

Czech: hal dhibic oo ay ka heleen 2 kulan Iyo gool lagu leeyahay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga