Wakhtiga Ay Barcelona Doonayso In Ay Dhamaystirto Saxiixa Nico Williams Oo La Ogaaday.

Kooxda Barcelona ayaa dar-dar galinaysa dadaalada ay ku doonayso saxiixa xiddiga kooxda Athletic Bilbao ee Nico Williams.

Barcelona ayaa xaqiijisay in ay doonayso saxiixa Nico Williams kaas oo haatan wacdaro ka dhigaya tartanka Euro 2024.

Sida laga soo xigtay wariyaha caanka ah ee Fabrizio Roman, Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay dhamaystirto saxiixa Nico Williams todobaadka soo socda.

Nico Williams ayaa la sheegayaa in uu wakhti horeba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Barcelona.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga