TAARIIKH: Lionel Messi Oo Isku Qoray Taariikhda Koobka Adduunka.

Halyeyga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa sii watay qorista taariikh cusub oo Koobka Adduunka ah, kadib markii uu gool ka dhaliyay xulka Austria kulanka wareegga labaad ee heerka guruubyada Koobka Adduunka 2026.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si adag kabtanka Argentina, maadaama uu lumiyay rigoore daqiiqaddii 8-aad. Si kastaba ha ahaatee, Messi ayaa dib u soo laabtay isagoo muujiyay heerkiisa halyeeynimo, wuxuuna dhaliyay goolka hoggaanka ee Argentina daqiiqaddii 38-aad.

Goolkan ayaa ka dhigay Messi inuu kaligiis noqdo gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Koobka Adduunka, isagoo gaaray 17 gool, kana gudbay rikoodhkii uu haystay halyeeygii Jarmalka Miroslav Klose oo lahaa 16 gool.

Messi ayaa qaybtii dambe Sii dheereeyay Rikoodhka isaga oo dhaliyay goolka 2- Ee xulkiisa

Rikoodhkan  cusub ayaa sii xoojisay sumcadda Messi inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu waaweyn taariikhda kubadda cagta, isagoo rikoodh kale ku daray liiskiisa dheer ee guulaha shaqsiga iyo kuwa kooxeed.

Waxaa xusid mudan in xiddiga xulka France Kylian Mbappé uu leeyahay 14 gool oo Koobka Adduunka ah, taasoo ka dhigaysa ciyaaryahanka ugu dhow ee kula tartamaya Messi rikoodhada taariikhiga ah ee tartankan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga