Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa muujiyay farxaddiisa kadib guushii 2-0 ay Argentina ka gaartay Austria kulankii labaad ee heerka guruubyada ee Koobka Adduunka 2026, kaas oo lagu ciyaaray garoonka AT&T Stadium.
Messi ayaa yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay guusha, taas ayaana ugu muhiimsan. Waxay ahayd ciyaar aad muhiim u ah, adag, isla markaana qiimo weyn noo leh, waxayna naga siinaysaa kalsooni wixii nagu soo socda.”
Wuxuu intaas ku daray:“Koobkan Adduunka, dhammaan ciyaaruhu waa kuwo si aad ah isugu dhow oo xiiso badan. Waxaan ku raaxaysanayaa waqtigan, waxaana rajaynayaa inaan la dabaaldego saaxiibadayda kooxda.”
Messi ayaa sii watay:“Waxaan ku faraxsanahay guusha. Waxay ahayd ciyaar aad u adag, waxaana ogayn inay noqon doonto mid tartan badan. Aad bay muhiim noogu ahayd inaan helno lix dhibcood.”
Wuxuu yiri sidoo kale:“Guushu waxay ahayd qayb muhiim ah oo qorshaheenna ka mid ah, balse waan ogayn inaanay sahlanayn. Maanta cidina si fudud uma qaadato ciyaaraha; qof walba wuxuu ku ciyaarayaa xamaasad weyn. Waxaa nagu adkaatay inaan sii haysanno kubbad-haysashadii dheerayd ee aan horay u barannay.”
Messi ayaa sheegay: “Waxa ugu muhiimsan waa inaan u gudubno wareegga xiga. Mar walba qorshaheenna wuxuu ahaa inaan badino dhammaan ciyaaraha. Kooxdan oo dhan waxay arrintan ku dareemaysaa farxad weyn. Markaan isu nimaadno, waxaan ku raaxaysannaa wada joogista, tartanka, tababarka, nolol maalmeedka iyo taageerayaasha nala garab taagan.”
Ugu dambayn ayuu yiri:“Wax badan ayaan taageerayaasha farxad gelinnay, balse waxaan isku dayi doonnaa inaan siino wax ka badan. Waxaa jiray waqtiyo aan aad uga xanaaqay rigooradii aan qasaariyay, laakiin ugu dambayn waan ka soo kabtay arrintaas.”
Be the first to comment