Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League

Waxa la soo afjaray kulamadii 30-aad ee horyaalka premier League iyada oo la ciyaaray kulamo xiiso leh.

Kooxda Liverpool ayaa la wareegtay hogaanka horyaalka premier League iyaga oo haatan laba dhibcood ku hogaaminaya.

Dhinaca kale kooxaha kula tartamaya horyaalka ee Man City iyo Arsenal ayaa bar-baro ku kala baxay kulan ka dhacay Etihad.

Man United ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay Brentford kulan United dirqi ku sigatay in laga badiyo.

Dhinaca kale Chelsea ayaa sii wada niyad jabkii iyaga oo bar-baro la galay 10 xiddig oo Burnley ah.

Kadib kulamada la ciyaaray BBC ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka premier League.

Shaxda waxa min 2 xiddig ku leh kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Newcastle kuwaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

Dhinaca kale Kooxaha Man United, Tottenham, Chelsea, Brentford iyo Chelsea ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.

Garth Crook's team of the week graphic

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga