Mbappé Oo Magacaabay 2 Ciyaartoy Ee Ugu Fiican Koobka Adduunka.

Kabtanka xulka France national football team, Kylian Mbappé, ayaa magacaabay labada ciyaaryahan ee uu u arko kuwa ugu fiican adduunka.

Isagoo la hadlayay warbaahinta, Mbappé ayaa la weydiiyay yaa ugu fiican isaga, Lionel Messi, Erling Haaland iyo Harry Kane.

Wuxuu ku jawaabay:

“Messi ayaa ugu fiican, isaga iyo Cristiano Ronaldo.”

Mbappé ayaa laba gool dhaliyay kulankii ugu horreeyay ee guruubka ee ay France la ciyaartay Senegal, halka Messi uu hat-trick cajiib ah ka dhaliyay Algeria.

Mbappé wuxuu intaas ku daray:

“Waan ogaa in Leo Messi uu goolal dhalin doono… mar walba wuu dhaliyaa.”

“Aniguna waan sii wadi doonaa dhalinta goolasha si aan kooxdayda uga caawiyo inay gaarto meesha ugu fog ee suurtagalka ah.”

“Dabcan, marka aan goolal dhaliyo, waxaan sii dhawaanayaa rikoodhka.”

Mbappé ayaa rajeynaya inuu France u horseedo wareegga bug-baxa marka ay Isniinta la ciyaaraan Iraq national football team.

Dhanka kale, Messi iyo Mbappé ayaa weli ka mid ah ciyaartoyda ugu cadcad tartanka Kabta Dahabka (Golden Boot) ee Koobka Adduunka 2026.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga