Man United Oo Badalka Andre Onana Miiska U Saartay Qorshaha Ay Ka Damacsantahay.

Man Utd ayaa u balan qaaday goolhayaha Real Madrid Andriy Lunin in uu noqon doono lambarka 1-aad ee Old Trafford hadii uu xagaaga ku biiro sida ay sheegayaan wararku.

Red Devils ayaa lagu wadaa inay isbedel weyn ku sameyso xagaaga ka dib markii Sir Jim Ratcliffe uu dhameystiray heshiiska uu ku iibsanayo 27.7 boqolkiiba kooxda Premier League horaantii sanadkan.

Ratcliffe iyo INEOS ayaa la siiyay maamulka dhinaca ciyaaraha taasoo qayb ka ah heshiiska waxayna doonayaan inay isbedel ku sameeyaan kooxda.

Andre Onana ayaa horumar Sameeyay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka inkasta Oo uu si weyn u dhibaatooday qaybtii hore ee xilli ciyaareedka.

Waxa jira warar Sheegaya in ay United raadinayso Badalka Onana iyada Oo dookha 1-aad ka dhigatay Goolhayaha Real Madrid ee Andre Lunin.

WargayskaN ational ayaa Sheegaya in ay Man United diyaar u tahay in ay dhamaystirto heshiiska Lunin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay United Goolhayaha u balanqaaday in uu noqon doono dookha 1-aad ee kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga