Liverpool Oo Loo Sheegay Tababaraha Ay Tahay In Ay Ku Badasho Klopp.

Halyeeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa kooxdiisii hore u sheegay tababaraha ugu haboon ee badali kara Jurgen Klopp.

Ka dib sagaal sano oo koobab ah, Klopp ayaa si lama filaan ah jimcihii u shaaciyay in uu isaga tagi doono kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.

daaficii hore ee Liverpool Jamie Carragher ayaa Alonso ku tilmaamay Tababaraha ugu haboon ee ay tahay in uu buuxiyo booska tababare Klopp.

Isagoo la hadlayay Sky Sports News, Carragher ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa hadda, haddii aad eegto Premier League iyo Yurub oo aad ka fikirto cidda Liverpool ku habboon, shaki kuma jiro in uu yahay Xabi Alonso, oo ah saaxiibkeygii hore”.

“Sababtoo ah isaga ayaa si weyn loogu ixtiraamaa Liverpool wixii uu ku sameeyay ciyaaryahan ahaan, waa ku guuleystaha Champions League, mar walbana waxa uu ahaa mid heer sare ah”.

“Waxaad ka fikirtaa Tababarayaashii uu ka soo hoos shaqeeyay Rafa Benitez, Liverpool, Jose Mourinho, Carlo Ancelotti oo ah tababarayaal waaweyn”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga