Joe Gomez Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Liverpool.

Joe Gomez ayaa go’aansaday inuu sii joogo Liverpool ka dib markii uu wadahadalo wanaagsan la yeeshay tababaraha cusub ee Arne Slot.

Daafaca ayaa lala xiriirinayay in uu isaga tagi doono Anfield todobaadyadii u dambeeyay iyada oo kooxdu gashay waji cusub.

Gomez ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Newcastle laakiin heshiiska ayaan horay u socon iyada oo sidoo kale kooxo kale xiiso u qabaan saxiixiisa.

Laakiin The Times ayaa ku warameysa in Gomez uu ‘ka go’an yahay’ mashruuca cusub ee Liverpool wuxuuna sii joogi doonaa kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Gomez ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda Liverpool ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub kadib markii uu ka mid noqday xulka England ee gaadhay finalka Euro 2024.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga