Dib U Eegid: Man City Oo Bar-Baraysay Rikoodh Ay Man United Dhigtay 15 Sano Ka Hor.

Manchester City ayaa barbareysay rikoorka guuldaro la’aanta ugu dheer ee European Cup/UEFA Champions League taariikhda, taasoo barbareysay 25 kulan oo ay Manchester United sameysay intii u dhaxeysay 2007 iyo 2009.

Kooxda Pep Guardiola ayaa guushan gaartay kadib markii ay 4-0 ku garaaceen kooxda Slovan Bratislava kulan ka tirsanaa champions League.

Rikoorka cajiibka ah ee City ayaa 17 guul iyo 8 bar-baro 25-kii kulan ee ugu dambeeyay ee champions League.

Wiilasha Guardiola ayaa hadda rikoorka la wadaaga kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester, kuwaas oo aan laga badinin September 2007 ilaa May 2009.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga