DEG-DEG: Bayern Munich Oo Chelsea Ku Garaacaysa Saxiix Xiddig Ay Blues U Waalanaysay.

Kooxda Bayern Munich ayaa Talaabao u qaaday saxiixa xiddiga kooxda Crystal Palace ee Michael Olise.

Saxafiga Fabrizo Romano ayaa sheegaya in ay Bayern Munich wax walba kala heshiisay xiddiga Michael Olise.

Bayern ayaa mushaharkiisa iyo waliba inta uu heshiisku noqon doono kala heshiisay xiddiga reer France.

Michael Olise ayaa dhinaciisa diiday heshiis cusub oo ay u soo bandhigtay Crystal palace si uu ugu biiro Bayern Munich.

Chelsea ayaa markii hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Michael Olise iyaga oo doonayay in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee Bayern Munich ayaa haatan u muuqata kuwo chelsea ku garaacaya saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga