Bayern Munich Oo Fariin U Dirtay Real Madrid Alphonso Davies Ayay Ku Saabsantahay.

Bayern Munich ayaa qorsheyneysa inay Alphonso Davies kooxda ku heysato xilli ciyaareedka soo socda, inkastoo daafaca bidix uu galay sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa.

Davies, oo 23 jir ah, ayaa bartilmaameed dheer u ah Real Madrid, laakiin waxa uu sidoo kale wadahadalo kula jiray inuu sii joogo Bayern.

Agaasimaha Isboortiga ee kooxda Jarmalka, Christoph Freund, ayaa hadda xaqiijiyay: “Wada xaajoodyada qandaraaska cusub ma aysan horseedin wax heshiis ah ilaa hadda”.

“Albaabku ma xidhna, hadda waxa uu galayaa sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa, markaas waan arki doonnaa.”

Arintan ayaa fariin u ah Real Madrid oo doonaysa in ay la soo wareegto xiddia xagaagan ama xagaaga dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga