Kooxaha Arsenal iyo Bayern Munich ayaa ku kala baxay bar-baro kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League.
Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo labada kooxoodba u ciyaareen si fiican oo cajiib ah.
Arsenal ayaa maamulaysay ciyaarta xilli ay Bayern ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah.
Daqiiqadii 12-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Kooxda Bayern Munich ayaa daqiiqadii 18-aadba ku soo laabatay ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Serge Gnabry kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Kooxda Thomas Tuchel ayaa daqiqiadii 32-aad dhalisay goolka 2-aad waxana rikoodhe gool u badalay xiddiga Harry Kane kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Qaybtii dambe ayay Arsenal wax walba u samaysay raadinta goolka bar-baraha iyaga oo aan kala joojin weerarka ay qaadayaan.
Daqiiqadii 76-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Leandro Trossard kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 2/2 ah.
Be the first to comment