DAAWO:- Maxey ka dhigay Guushii Bruno ee Abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican Premier League ?

Manchester United ayaa helay war weyn, kadib markii kabtankooda Bruno Fernandes loo doortay ciyaaryahanka ugu fiican Premier League ee xilli ciyaareedkii 2025/26, isagoo ku guuleystay abaalmarinta PFA Players’ Player of the Year, Fernandes ayaa abaalmarintan kaga adkaaday xiddigo waaweyn oo ay ka mid yihiin Declan Rice iyo Erling Haaland, iyadoo codadka ay dhiibteen ciyaartoyda Premier League.

Guushan waxay Bruno ka dhigeysaa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Manchester United ee ku guuleysta abaalmarintan tan iyo Wayne Rooney oo qaaday sanadkii 2010, inkasta oo Manchester United aysan xilli ciyaareedkii hore ku guuleysan wax koob ah, Bruno Fernandes wuxuu shaqsi ahaan soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan.

Bruno wuxuu markii hore la simanaa rikoodhka Thierry Henry iyo Kevin De Bruyne, kuwaas oo min 20 assists sameeyay. Hase yeeshee, kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka ayuu rikoodhka jebiyay, kulankaas oo Manchester United ay 3-0 kaga adkaatay Brighton, Bruno wuxuu caawiyay goolkii furitaanka ee Patrick Dorgu, isagoo sidoo kale dhaliyay goolkiisii 9-aad ee xilli ciyaareedka.

Fernandes wuxuu sidoo kale galay taariikhda Manchester United kadib markii uu dhaafay rikoodhkii David Beckham ee assists-ka Premier League hal xilli ciyaareed, Beckham ayaa xilli ciyaareedkii 1999/2000 sameeyay 15 assists, balse Bruno ayaa rikoodhkaas si weyn uga gudbay isagoo sameeyay 21.

Bruno ayaa Manchester United kaga soo biiray Sporting Lisbon sanadkii 2020, iyadoo lagu soo iibsaday £47 milyan, waxaana shantii sano ee uu kooxda joogay uu noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan, Bruno: “Waa waqti aan aad ugu faanayo”

Bruno Fernandes oo abaalmarinta ka guddoomay xiddigii hore ee Manchester United Juan Mata, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay guusha, Wuxuu sheegay inuu si gaar ah ugu mahadcelinayo ciyaartoydii isaga u codeeyay, isagoo xusay in xilli ciyaareedkii hore uu shaqsi ahaan u ahaa mid gaar ah.

Fernandes ayaa sidoo kale ka hadlay rikoodhkiisa assists-ka, isagoo tilmaamay in markii hore uusan si weyn uga fikirin, balse markii uu rikoodhka ku soo dhowaaday uu bilaabay inuu si dhab ah u dareemo.

Wuxuu intaas ku daray in assists-ku aysan ahayn guul isaga u gaar ah, maadaama ciyaartoyda weerarka ay yihiin kuwa goolasha dhaliya:- “Kubbadda cagta waxaan u ciyaarnaa kooxda” ayuu yiri , Bruno wuxuu carrabka ku adkeeyay in kubbadda cagta aysan ahayn ciyaar uu qofku naftiisa oo keliya u ciyaaro.

Wuxuu sheegay in ciyaartoydu u ciyaaraan kooxda, naadiga iyo taageerayaasha, sidaas darteedna uu aad ugu faraxsan yahay inuu caawiyo ciyaartoyda kale inay goolal dhaliyaan, PFA Player of the Year ma ahayn abaalmarintii ugu horreysay ee Bruno qaado.

Xilli ciyaareedkii hore wuxuu sidoo kale ku guuleystay Premier League Player of the Year iyo Football Writers’ Association Player of the Year.

Dhanka kale, Nico O’Reilly oo Manchester City ah ayaa ku guuleystay abaalmarinta PFA Young Player of the Year.

Arsenal ayaa sidoo kale shan ciyaaryahan ku yeelatay kooxda ugu fiican Premier League ee PFA.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga