Messi oo Qalbiga Ka Taabtay Yamal Ka Hor Dagaalka Final-ka

Kabtanka xulka Argentina, Lionel Messi, ayaa fariin dhiirrigelin ah u diray garabka xulka Spain, Lamine Yamal, ka hor kulanka kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka oo la ciyaari doono Axadda.

Messi ayaa u rajeeyay Yamal nasiib wacan, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay xiddig caalami ah.

Isagoo Jimcihii la hadlayay halyeyga kubadda American football-ka ee ku guuleystay toddobo jeer Super Bowl, Tom Brady, weeraryahanka Inter Miami ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo horumarka Yamal, maadaama uu u ciyaaro Barcelona.

Messi ayaa yiri:

“Yamal waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican dunida waqtigan.”

Wuxuu sii raaciyay:

“Lamine waa ciyaaryahan cajiib ah. Si dhow ayaan ula socdaa sababtoo ah wuxuu u ciyaaraa koox aan jeclahay, mar walbana waxaan u rajeynayaa wanaag. Isagoo 19 jir ah ayuu durba noqday astaan caalami ah.”

Haddii Argentina ay ku guuleysato final-ka, Messi wuxuu noqon karaa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee taariikhda kubadda cagta ee laba jeer oo xiriir ah ku qaada Koobka Adduunka isagoo ah kabtanka xulkiisa. Dhanka kale, Lamine Yamal wuxuu noqon karaa ciyaaryahankii labaad ee ugu da’da yaraa ee ku guuleysta final-ka Koobka Adduunka isagoo ku soo bilowday safka hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga