Laacibkii hore ee xulka Argentina, Sergio Aguero, ayaa sheegay in ciyaartoyda xulka England ay ka maqan tahay midnimada iyo isku-duubnida ay leeyihiin ciyaartoyda Argentina.
Aguero ayaa xusay in arrintani ay noqon karto mid muhiim u ah kulanka caawa ee semi-finalka Koobka Adduunka 2026, kaas oo dhex mari doona England iyo Argentina.
Wuxuu sheegay inuu ka walaacsan yahay in ciyaartoyda England ay isku dhacaan oo ay bilaabaan muran marka arrimuhu u socon waayaan sidii ay rabeen inta lagu jiro ciyaarta ka dhici doonta Mercedes-Benz Stadium ee magaalada Atlanta.
Argentina oo ah kooxda difaacanaysa koobka ayaa si adag ku gaadhay afar dhammaadka, kadib markii ay ka soo gudubtay Cape Verde iyo Masar, halka ay Switzerland ku garaacday waqti dheeri ah kulankii rubuc-dhammaadka.
Dhanka kale, Lionel Messi ayaa hoggaaminaya Argentina isagoo soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah, waxaana uu tartankan ka diiwaangeliyey 8 gool iyo 2 caawin, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu saameynta badan tartanka.
England-na waxay muujisay awood weerar oo weyn, waxaana hoggaaminaya kabtankooda Harry Kane iyo Jude Bellingham, oo laba gool dhaliyay kulankii ay Norway kaga adkaadeen rubuc-dhammaadka.
Kooxda ku guuleysata kulanka caawa waxay finalka la ciyaari doontaa Spain, oo si cad uga adkaatay France si ay u xaqiijiso booskeeda kama dambaysta tartanka.
Aguero oo la hadlay ESPN ayaa yiri:
“Waxa England ka maqan, balse Argentina ay leedahay, waa dareenka xooggan ee midnimada kooxda.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Ciyaartoyda Argentina aad bay isugu dhow yihiin, saaxiibtinnimaduna garoonka ayay ka muuqataa. Isku-duubnidaasi waa furaha guusha, sababtoo ah kooxda dhexdeeda ma jiraan xanaaq iyo colaad.”
Ugu dambayn, Aguero ayaa sheegay:
“Marka ciyaarta England u socon waydo sidii ay rabeen, waxaad arkaysaa ciyaartoydu inay bilaabaan inay is qabtaan oo murmaan. Halkaas ayaana Argentina kaga fiican tahay, sababtoo ah isku-duubnida kooxdeennu waa mid aad u xooggan.”
Be the first to comment