XASAASI: Bruno Guimaraes Oo Warqada Bixitaanka U Gudbiyay Newcastle Iyo Kooxaha Premier League Oo Isku Baacsanaya.

Bruno Guimaraes ayaa u sheegay Newcastle United inuu doonayo inuu ka tago kooxda xagaagan si uu ugu biiro Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa sare u qaaday dadaalka ay ugu jirto saxiixa xiddiga reer Brazil, waxayna diyaar u tahay inay bixiso ilaa £60 milyan.

Newcastle ayaa horay u diiday dalab afka ah oo Arsenal ay gudbisay bishii June, iyadoo weli ku adkaysanaysa in Bruno uusan iib ahayn. Ilaa hadda ma jiro wada-hadal rasmi ah oo dhex maray labada kooxood.

Guimaraes waxa qandaraaskiisa uga harsan laba sano, isagoo Newcastle ku soo biiray bishii january 2022. Intii uu kooxda joogay wuxuu ciyaaray 153 kulan oo Premier League ah, isagoo dhaliyay 30 gool isla markaana bixiyay 26 caawin.

Xiddiga reer Brazil ayaa sidoo kale ku soo bilowday dhammaan kulamadii xulkiisa ee Koobka Adduunka 2026, isagoo sameeyay afar caawin ka hor inta aysan Brazil wareegga 16-ka uga harin Norway.

Arsenal ayaa aaminsan in Bruno uu khibrad iyo tayo weyn ku soo kordhin karo khadka dhexe ee kooxda, isla markaana uu si wanaagsan ula shaqayn karo ama u beddeli karo Declan Rice marka loo baahdo.

Dhanka kale, Newcastle waxay si cad u sheegtay inaysan doonayn inay iibiso kabtankooda, maadaama ay hore u lumiyeen Anthony Gordon iyo Sandro Tonali. Kooxdu waxay rumaysan tahay in bixitaanka Bruno Guimaraes uu dhaawac weyn ku noqon doono qorshaha tababare Eddie Howe ee xilli ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga