Kooxda ugu wanaagsan ee wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2026 ayaa la shaaciyay, waxaana ku jira ciyaartoy si weyn u iftiimay kulamadii wareeggan. Xulashadan ayaa isugu jirta xiddigo khibrad leh iyo da’yar soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay guulaha dalalkooda.
Safka weerarka waxaa hoggaaminaya Erling Haaland, kaas oo sii wada bandhiggiisa cajiibka ah isagoo dhaliyay goolal muhiim ah oo Norway u horseeday wareega 8 dhamaadka tartanka. Waxaa garab socda Lionel Messi, oo markale muujiyay heerkiisa sare, iyo Charles De Ketelaere, oo Belgium u noqday ciyaaryahan saameyn weyn ku yeeshay weerarka.
Khadka dhexe waxaa ku jira Leandro Paredes, Azzedine Ounahi, iyo Jude Bellingham. Saddexdan ciyaaryahan ayaa si heer sare ah u maamulay kubadda, iyagoo door weyn ka qaatay dhismaha weerarada iyo xakamaynta ciyaarta, isla markaana ka caawiyay xulalkooda inay u gudbaan wareegga xiga.
Difaaca waxaa laga soo xulay David Møller Wolfe, Dayot Upamecano, Pau Cubarsí, iyo Achraf Hakimi. Afartan daafac ayaa lagu ammaanay adkeysigooda iyo qaab ciyaareedkooda difaac, iyagoo si weyn uga qeyb qaatay ilaalinta shabaqyada xulalkooda. Goolhayaha kooxda toddobaadka ayaa noqday Gregor Kobel, kaas oo sameeyay badbaadino muhiim ah oo Switzerland u suuragelisay inay sii joogto tartanka.
Kooxdan ugu wanaagsan ee wareegga 16-ka ayaa ka kooban ciyaartoy ka kala socda Norway, Argentina, Belgium, Morocco, England, France, Spain, iyo Switzerland, taasoo muujinaysa heerka sare ee tartanka sanadkan. Taageerayaal badan ayaa durba ka doodaya in xulashadan ay tahay mid caddaalad ah, halka kuwo kalena ay rumeysan yihiin in ciyaartoy kale oo si fiican u soo ciyaaray ay mudnaayeen inay ku jiraan safkan.
Be the first to comment