Cristiano Ronaldo Oo Magacaabay Xulka Ku Guulaysan Kara Koobka Adduunka.

Kabtanka xulka Portugal, Cristiano Ronaldo, ayaa kalsooni ku qaba in kooxdiisu ay ka adkaan karto Spain kulanka wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka 2026.

Inkastoo Ronaldo uu qiray in Spain ay ka mid tahay kooxaha loogu cadcad yahay ku guuleysiga koobka, haddana wuxuu filayaa in kulanku uu noqon doono mid aad u dheellitiran.

Labada dal ayaa isku wajihi doona Iberian Derby, kaddib markii ay kasoo gudbeen kulamadoodii ugu horreeyay ee wareegga bug-baxa.

Spain ayaa 3-0 ku garaacday Austria, halka Portugal ay kasoo laabatay gool looga hormaray si ay 2-1 ugu adkaato Croatia.

Ronaldo ayaa yiri:

“Waan diyaar noqon doonnaa, si wanaagsan ayaanna u naqaan Spain.”

“Spain waxay ka mid tahay Xulalka loogu cadcad yahay inay ku guuleystaan koobkan.”

“Waa kulan aad u dheellitiran, waxaana arki doonnaa waxa dhaca.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga