Xulka Morocco Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Xulka Haiti

Xulka qaranka Morocco ayaa xaqiijiyay u soo bixitaankiisa wareegga 32-ka ee Koobka Adduunka 2026, kaddib markii uu guul xiiso badan oo 4-2 ah ka gaaray xulka Haiti ciyaartii ugu dambeysay ee heerka guruubyada. Guushan ayaa xaqiijisay in Libaaxyada Atlas ay ka mid noqdaan xulalka u gudbay wareegga xiga, iyagoo kaalinta labaad kaga soo baxay Group C, kana dambeeyay hoggaamiyaha guruubka ee Brazil.

Morocco ayaa ciyaarta ku bilaabatay si adag, kadib markii daqiiqaddii 10-aad gool iska dhaliyay goolhaye Yassine Bounou, taasoo Haiti siisay hoggaan hore.

Si kastaba ha ahaatee, kabtanka xulka Achraf Hakimi ayaa daqiiqaddii 39-aad dhaliyay goolka barbaraha. Balse Wilson Isidor ayaa mar kale Haiti hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 43-aad.

Jawaabta Morocco ma aysan daahin, iyadoo Ismail Saibari uu dhaliyay goolka barbaraha waqtigii dheeriga ahaa ee qeybta hore, kaddib caawin uu ka helay Achraf Hakimi, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro 2-2 ah.

Qeybtii labaad, Morocco ayaa si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta ciyaarta, iyadoo ka faa’iideysatay tayadeeda farsamo iyo jir ahaaneed. Ciyaaryahan beddel ku soo galay Soufiane Rahimi ayaa daqiiqaddii 78-aad dhaliyay goolka saddexaad, isagoo caawin ka helay Chadi Riad.

Morocco waxay sii waday cadaadiska weerarka ilaa ciyaaryahan kale oo beddel ku soo galay, Jassim Yassin, uu dhaliyay goolka afaraad daqiiqaddii 89-aad, kaddib caawin uu ka helay Soufiane Rahimi, taasoo xaqiijisay guusha 4-2.

Guushan kadib, Morocco waxay yeelatay 7 dhibcood saddex ciyaarood, iyadoo gaartay laba guul iyo hal barbaro, wax guuldarro ahna aan la kulmin. Sidaas ayay si rasmi ah ugu soo baxday wareegga 32-ka iyadoo kaalinta labaad kaga jirta Group C, halka Brazil ay sidoo kale heshay 7 dhibcood, balse ku hoggaamisay farqiga goolasha.

Kala sarreynta Group C:

1. Brazil – 7 dhibcood (u soo baxday wareegga 32-ka)

2. Morocco – 7 dhibcood (u soo baxday wareegga 32-ka)

3. Scotland – 3 dhibcood

4. Haiti – 0 dhibcood

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga