Halyeeygii hore ee xulka Sweden, Zlatan Ibrahimović, ayaa kaftan iyo dhaleeceyn isugu jirta ku ganay Cristiano Ronaldo kadib guushii weynayd ee Portugal ay 5-0 ku garaacday Uzbekistan ee Koobka Adduunka 2026.
Ronaldo ayaa dhaliyay laba gool kulankaas, isagoo hoggaamiyay Portugal inay gaarto guul muhiim ah. Kadib goolkiisii labaad, kabtanka Portugal wuxuu diray fariin kooban oo ahayd:
“Waan soo laabtay.”
Xiddiga 41-jirka ah ee Al-Nassr ayaa mar kale ku celiyay fariintaas markii uu garoonka ka baxayay kulanka kadib.
Markii wax laga weydiiyay hadalka Ronaldo, Zlatan Ibrahimović ayaa si kaftan leh ugu jawaabay Fox Sports:
“Waxaan moodayay inuusan waligiis bixin, ma garanayo sababta uu u leeyahay ‘waan soo laabtay’.”
Hadalkan Zlatan ayaa yimid kadib markii Ronaldo lagu dhaliilay qaab ciyaareedkiisii kulankii ugu horreeyay ee Portugal la ciyaartay DR Congo, kaas oo ku dhammaaday barbaro 1-1 ah, islamarkaana uusan wax gool ah dhalin.
Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa si xooggan uga jawaabay dhaleeceynta, isagoo laba gool ka dhaliyay Uzbekistan kuna muujiyay inuu wali yahay mid ka mid ah weeraryahanada ugu khatarta badan kubadda cagta adduunka.
Be the first to comment