YAAB: Sababtii Kaadhka Cas Loo Siiyay Miguel Amorim Oo La Ogaaday.

Ciyaaryahankii hore ee Premier League, Miguel Almirón, ayaa taariikhda galay isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee kaarka cas lagu siiyo Koobka Adduunka sababo la xiriira inuu afkiisa daboolay intii lagu jiray ciyaar.

Iyadoo la raacayo xeerarka cusub ee FIFA ay u dejisay tartanka lagu qabanayo Mexico, Canada iyo United States, hay’adda kubbadda cagta adduunka ayaa sheegtay in “ciyaaryahan kasta oo afkiisa daboola isagoo ku jira xaalad muran ama iska horimaad la leh ciyaaryahan ka tirsan xulka kale uu mutaysan karo kaarka cas.”

Xulka Paraguay ayaa wajahayTurkey  waaberigii Sabtida kulan muhiim ah kadib markii ay guuldarro kala kulmeen Xulka United States  ciyaartoodii ugu horreysay.

Kooxda Koonfurta Ameerika ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 2-aad markii uu gool dhaliyay Matías Galarza, balse wax yar ka hor dhammaadka qeybtii hore ayaa laga dhigay 10 ciyaaryahan. Si kastaba ha ahaatee, waxay ku guuleysteen inay ilaashadaan natiijada oo ay helaan saddex dhibcood oo muhiim ah.

Almirón ayaa noqday ciyaaryahankii diiwaangeliyay rikoodhkan aan la jeclayn. Xiddigii hore ee Newcastle United ayaa la hadlayay Mert Müldür isagoo gacanta ku daboolay afkiisa.

Müldür ayaa si degdeg ah uga dhaqaaqay goobta si uu ugu wargeliyo garsoorayaasha dhacdada, taasoo keentay in dib loo eego muuqaalka VAR.

Garsooraha ayaana ugu dambeyn go’aansaday inuu kaarka cas siiyo Almirón.

Xeerkan cusub si buuxda uma mamnuucayo in ciyaartoydu afkooda daboolaan. Tusaale ahaan, weli waa loo oggol yahay inay sidaas sameeyaan marka ay la hadlayaan saaxiibbadood, sida xaaladaha laadadka xorta ah, si aysan kooxda ka soo horjeedda u ogaan cidda laadadka qaadi doonta.

Mamnuucidda FIFA waxay khuseysaa oo keliya marka ficilkan uu ka dhaco “xaalad muran ama iska horimaad” dhex mara ciyaaryahanno iska soo horjeeda.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga