Xiddig Ugu Tayada Badan Chelsea Oo La Sheegay.

Weeraryahankii hore ee Watford, Troy Deeney, ayaa sheegay in Estevão Willian uu yahay garabka kaliya ee tayo dhab ah leh ee kooxda Chelsea.

Deeney wuxuu sheegay in garabka reer Brazil uu mustaqbalka noqon doono “xiddig aan la joojin karin.

Chelsea ayaa haatan ku jirta kaalinta saddexaad ee Premier League kaddib 11 kulan, iyagoo lix dhibcood ka dambeeya hoggaamiyeyaasha Arsenal.

Blues-ka ayaa xagaagii 2025 soo xerogeliyay Joao Pedro, Liam Delap, Jamie Gittens iyo Alejandro Garnacho si ay u xoojiyaan kooxda xilli-ciyaareedkan.

Estevão ayaa noqday mid ka mid ah ciyaaryahannada ugu fiican ee soo kacaya iyadoo garabka hore ee Palmeiras uu ku bilaabay si cajiib ah noloshiisa cusub ee Stamford Bridge.

18-jirkan ayaa hore u dhaliyay afar gool isla markaana bixiyay hal caawin 16-kii kulan ee ugu horreeyay ee uu u ciyaaro Chelsea.

Troy Deeney oo la hadlay talkSPORT ayaa yiri:
“Chelsea waxay haystaan wiilka yar ee Estevão oo noqon doona xiddig aan la joojin karin. Waxaan jeclaa inaan indhaha ku hayo, waana mid aad u heer sareeya.”

Wuxuu ku daray:
“Laakiin isaga ayaa ah garabka kaliya ee dhab ahaantii tayo sare ka muuqato marka la barbardhigo afarta ama shanta ay haystaan hadda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga