Shay Given Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League Iyo 4-ta Sare.

Goolhayihii hore ee Newcastle United, Shay Given ayaa u saadaaliyay Liverpool inay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Given ayaa sidoo kale ku taageeray Liverpool kooxda 1-aad halka uu Arsenal u saadaaliyay kaalinta 2-aad.

Sidoo kale kooxda Man City ayuu u saadaaliyay kaalinta 3-aad halka uu Chelsea u saadaaliyay kaalinta 4-aad.

Markii la waydiiyay inuu saadaaliyo kooxda ku guulaysanaysa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, Given ayaa yidhi”Liverpool”.

Isaga oo sharraxaya doorkiisa, Given wuxuu yidhi: “Waxay haystaan shax fiican, sidoo kale waxa ay haystaan awood weerar”.

Isagoo bixinaya afartiisa sare, Given wuxuu raaciyay: “Liverpool, Arsenal, Man City iyo Chelsea”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga