
Iyadoo Matheus Cunha uu qarka u saaran yahay inuu u dhaqaaqo Manchester United, tababarihiisa haatan Vitor Pereira ayaa sheegay in weeraryahanku diirada saarayo kooxda kuna faraxsan yahay Wolves.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa soo jiitay xiiso badan, iyadoo kooxaha sida Arsenal, Aston Villa iyo Chelsea ay sidoo kale isha ku hayaan saxiixiisa xagaagan.
25-sano jirkaan ayaa wacdarro dhigay tan iyo markii uu Wolves kaga soo biiray Atletico Madrid, markii hore amaah, January 2023.
Waxa uu dhaliyay 12 gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkii hore waxana uu dhaliyay 15 gool kaliya 29 kulan oo uu ciyaaray horyaalka xilli ciyaareedkan.
Cunha ayaa qandaraas cusub u saxiixay Wolves bishii February laakiin waxaa Jira 62.5 milyan oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa taas oo la filayo in ay Man United bixiso.
Sky Sports ayaa ku warameysa in Cunha uu aad u daneynayo u wareegida Old Trafford, waxaana uu diiday dalabyo uga yimid meelo kale si uu u dhaqaaqo, kaasoo ku dhow inuu dhameystiro.
Pereira waxa uu aad uga xumaa xaalada markii la waydiiyay shir jaraa’id Isniintii, isaga oo sheegay in uu bixin karo wax yar oo cusub, marka laga reebo in weeraryahanka uu u muuqdo niyad wanaagsan oo ku faraxsan Wolves.
“Waxaan hayaa xog la mid ah adiga. Ma garanayo. Kaliya waan ogahay inuu yahay ciyaaryahankeyga,” ayuu yiri Pereira.
“Wuu ku faraxsanyahay kooxda,waxa uu u shaqaynayaa ida gu fiican”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment