WARBIXIN: 8 Tababare Oo Uuna Mikel Arteta Waligiis Ka Badin.

Mikel Arteta waxa uu noqday tababare sare intii uu joogay Arsenal ilaa haatan, laakiin waxa jira wadar ahaan sideed tababare oo uu ka horyimid oo aanu waligiis ka badin.

Marka loo eego macnaha guud, David Moyes, Thomas Frank iyo Brendan Rodgers ayaa ah maamulayaasha uu Arteta ku faano guulaha ugu badan ee uu ka hor yimaado isaga oo ka gaadhay 6 guul mid kasta.

Waxaan si dhow u eegnay rikoorkiisa taariikhiga ah ee Arsenal waxaana helnay sideed tababare oo Arteta uusan waligiis garaacin.

Arne Slot:

Arteta ayaa hal mar kal hor tagay tababare Slot waxana uu ku dhamaaday bar-baro 2/2 ah.

Enzo Maresca:

Sidoo kale Arteta ayaa tababaraha Chelsea ka hor yimid hal mar waxana uu kulankaas ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah.

Gian Piero Gasperini:

Arteta ayaa ka horyimid Gasperini markii ugu horeysay horaantii xilli ciyaareedkan iyadoo Arsenal ay la ciyaartay Atalanta wareega group-yada Champions League.

Gunners ayaa ku dhibtootay in ay hesho weerarkeedii caadiga ahaa waxana ay la gashay bar-baro gool la’aan ah.

Fabian Hurzeler:

Arteta wuxuu ahaa maamulihii ugu da’da yaraa ee Premier League markii loo magacaabay tababaraha Arsenal 2019, laakiin rikoodhkaas hadda waxaa iska leh tababaraha Brighton ee Hurzeler.

Arteta ayaa ka hor tagay Hurzeler hal kulan waxana uu ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah.

Ruben Selles:

Arteta ayaa ka hor tagay tababare Selles bishii April 2023 waxana uu la galay bar-baro 3/3 ah.

Michael Carrick:

Carrick ayaa Arteta ka hor tagay ku meel ah u hogaaminaya Man United waxana uu ku garaacay tababaraha 3/2 kulan ka dhacay Old Trafford.

Rafael Benitez:

Arteta ayaa kaliya hal mar wajahay tababare Rafael Benitez waxana uu Arteta guuldaro kala kulmay kulan uu Benitez hogaaminayay Everton.

Simone Inzaghi:

Tababare Simone Inzaghi ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay Arteta xilli ciyaareedkii 2024/205 champions League kulan ka tirsanaa wareega Group-uada/

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga