Liverpool Oo Guul Soo Daahday Ka Gaadhay Brentford & Nunez Oo Badbaadiyay Kooxdiisa.

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay kooxda Brentford kuwaas fiican u difaacday  ay socotay ciyaartu.

Brentford ayaa si waali ah u difaacatay goolkeeda iyada oo Liverpool u diiday in ay si dhib yar ku dhaliso goolal.

Liverpool ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal laakiin uma suurtaglin sidaasi.

Kooxda Slot ayaan niyad jabin waxana ay sii wadeen dadaalada ay ku doonayaan in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta ku badiyaan.

Cid walba waxa ay filaysay in ay ciyaartu ku dhamaato bar-baro marka la eego in ay Brentford si waali ah u difaacanaysay.

Laakiin daqiiqadii 90+1-aad ayaa dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Darwin Nunez kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Liverpool ayaan is dhiibin waxana ay doonayeen in ay dilaan ciyaarta kana fogaadaan soo laabashada Brentford.

Darwin Nunez ayaa daqiiqadii 90+3-aad dhalisay goolka 2-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool gaadhay guul wakhti dambe ah oo ay iska fureen Brentford oo ku dhaganayd.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga