Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa inuu durba dalab u diray madaxda sare ee Manchester United hadii ay dhacdo inuu bedelo Erik ten Hag.
United ayaa haatan la kulmeysa bilowgeedii ugu xumaa ee ebid xilli ciyaareedkaan horyaalka Premier League, iyagoo oo ku jira kaalinta 14-aad.
Ten Hag ayaa mar kale dareemaya cadaadis xoogan iyada oo laga yaabo in la caydhiyo inta uu xilli ciyaareedkan socdo.
Tababarihii hore ee Chelsea iyo Bayern Munich Tuchel, oo ay United la hadashay xagaagii, ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid yahay musharaxiinta ugu cadcad booskaas haddii uu Ten Hag uu shaqada ka tago.
Waxa uu shaqo la’aan ahaa ka dib markii uu ka tagay Bayern dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Sida laga soo xigtay Fichajes, Tuchel ayaa haatanba dalab u diray maamulka Man United.
Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Tuchel u sheegay maamulka man United in loo keeno saxiixa xiddiga Ronald Araujo.
Be the first to comment