Bayern Munich ayaa ka walaacdan taam ahaanshaha Eric Dier kulanka Arbacada ee lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee ay la ciyaarayaan Real Madrid, halka Raphael Guerreiro uu dhaawac canqowga ah soo gaaray.
Guerreiro ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo daqiiqadii 17-aad ee kulankii sabtida ee Bundesliga ay la ciyaareen Stuttgart, kooxda Munich ayaa haatan xaqiijisay inuu wajahayo dhaawac.
Bayern ayaa waqti u dhigtay maqnaanshihiisa, laakiin waxaa hubaal ah inuu Seegi Doono Kulanka Champions league.
“FC Bayern waxa ay ku qasbanaan doontaa inay ciyaarto la’aanta Raphael Guerreiro kulamada soo socda, Sababa la xidhiidha dhaawac halis ah Oo Soo gaadhay”ayay kooxdu Warbixin ku Soo Saartay.
Dhanka kale Dier ayaa dhaawac madaxa ah ka soo gaaray isla ciyaartaas isaga Oo kubad badbaadinaya.
Be the first to comment