Arteta Oo Ka Fal Celiyay Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Aston Villa

Mikel Arteta ayaa ku adkeysanaya in kooxdiisa Arsenal ay u baahan tahay inay ‘ka jawaabto’ ka dib guuldaradii lama filaanka ahayd ee ka soo gaadhay Aston Villa taas oo Man City keentay in ay 2 dhibcood ku hayso hogaanka premier League.

Gunners ayaa daawatay guuldaradii Liverpool ka soo gaadhay Crystal Palace laakiin Arsenal ayaa siibatay kulankii Villa.

Guuldaradaas ayaa la macno ah in ay Arsenal ku jirto kaalinta 2-aad ee premier League.

Arteta ayaa yidhi”Laba qaab ciyaareed oo kala duwan, qaybtii hore waxa ay ahayd mid cajiib ah waxa aan la ciyaarnay koox cajiib ah, maanu sii wadan qaab ciyaareedka qaybtii dambe”.

“Maanu dhamaystirin fursadihii aanu helnay ugu dambayn waa nalaga badiyay waana in aan Hamblayo u dirno Aston Villa”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga