FIFA oo la kulantay weerar dhanka internetka ah, waxaana laga xaday “xog shaqsiyeed iyo mid ganacsi”

0

Xiriirka kubada cagta FIFA ayaa xaqiijisay inay dhibbane u noqotay weerar dhanka internetka ah, kaddib markii koox ay ku guulaysatay inay xogteeda gasho iyadoo iska dhigaysa shaqaale ka tirsan hay’adda.

Hay’adda maamusha kubadda cagta adduunka ayaa sheegtay in weerarka internetka uu sababay in la xado “xog shaqsiyeed iyo mid ganacsi oo kooban”.

Advertisment

Koox lagu magacaabo Handsome Boy Hacking Club (HBHC) ayaa la tilmaamay inay sheegatay mas’uuliyadda jabsashada, kaddib markii ay 19-kii Nofeembar barta X ku baahisay sawir muujinaya faylal la xiriira FIFA.

Kooxdu waxay sheeganaysaa inay xaday in ka badan 12 gigabyte (GB) oo xog ah, kuwaas oo ay ku jiraan dukumentiyada aqoonsiga iyo socdaalka, xogta madaxda sare, diiwaannada maaliyadeed, dukumentiyada sharciga ah, diiwaannada maamulka gudaha iyo sawirro shaashadeed.

“FIFA waxay xaqiijin kartaa inay dhibbane u noqotay weerar dembiyeed oo dhanka internetka ah, kaas oo sababay in si aan sharci ahayn loo helo xog shaqsiyeed iyo mid ganacsi oo kooban,” ayuu afhayeen u hadlay FIFA u sheegay Wargeyska The Athletic.

“FIFA waxay si dhow ula shaqaynaysaa hay’adaha ay arrintani khusayso, oo ay ku jiraan hay’adaha fulinta sharciga.

“FIFA waxay si adag u cambaaraynaysaa helitaanka iyo faafinta sharci-darrada ah ee xogta, gaar ahaan xogta shaqsiyeed. Ficillada noocan oo kale ah waxay si weyn oo aan la aqbali karin u jebinayaan asturnaanta, waxayna cawaaqib xun ku yeelan karaan dadka ay arrintu khusayso.” sidas ayey FIFA ku sheegtay bayaan ay soo saartay ay ugu Hadleyso weerarka lagu soo qaaday.

Ilo-wareedyo ka tirsan FIFA, oo ku hadlayay shuruud ah inaan magacyadooda la shaacin si loo ilaaliyo xiriirkooda, ayaa sheegay in xogta la jabsaday ay ka yar tahay 0.1 boqolkiiba dhammaan xogta ay hay’addu kaydiso. Si kastaba ha ahaatee, waxay intaas ku dareen inaysan ku jirin wax dukumenti ah oo la xiriira qorshihii FIFA Forward Enterprise (FFE) ee la joojiyay.

Waxay sidoo kale xuseen in qofka ama kooxda mas’uulka ka ahayd weerarka internetka ay xogta ku heleen iyagoo iska dhigaya shaqaale ka tirsan FIFA, halkii ay ka ahaan lahayd cilad ku timid nidaamyada ama dhinaca farsamada.

Weli ma cadda in Gianni Infantino, madaxweynaha FIFA, ama Mattias Grafstrom, xoghayaha guud, ay ahaayeen dadka la bartilmaameedsaday. Hase yeeshee, sida ay ilo-wareedyada FIFA intaas ku dareen, weerarku wuxuu ku wajahnaa hay’adda guud ahaan, ee ma ahayn shaqsiyaad gaar ah.

Weerarkan dhanka internetka ah ayaa dhacay saddex bilood oo keliya kaddib markii FIFA ay soo saartay bayaan ay ku sheegtay in “ay jiraan dadaallo abaabulan oo socda oo ay qaar ka mid ahi ku doonayaan inay wiiqaan FIFA iyo madaxweynaheeda”.

Waxa kale oo uu weerarkani daba socdaa weerar horraantii bishan lagu qaaday La Liga, kaas oo qof aan fasax haysan uu galay mid ka mid ah barnaamijyadeeda adeegyada dhijitaalka ah.

Bishii Luulyo, Xiriirka Kubadda Cagta Argentina ayaa furay baaritaan ku saabsan in nidaamyadiisa sidoo kale la jabsaday, kaddib markii farriimo iimayl ah oo tiro badan loo diray saxafiyiinta, kaddib markii Argentina ay guul ka gaartay Masar kulan xiiso badan oo ka tirsanaa wareegga 16-ka koobkii aduun Ee u danbeeye.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here