John Terry oo amaanay difaaca Arsenal, kana hadlay shanta daafac dhexe Ee ugu fiicnaa taariikhda Premier League

0

Halyeeygii hore iyo kabtankii Hore Ee kooxda Chelsea John Terry, ayaa amaan weyn u jeediyay difaaca Arsenal, isagoo aaminsan in kooxda Mikel Arteta ay mustaqbalka geli karto doodda difaacyadii ugu fiicnaa taariikhda Premier League soo mara, haddii ay ku guuleysato horyaalka laba xilli ciyaareed oo isku xiga.

‎‎Terry oo wareysi dheer la yeeshay Rory Jennings ayaa ka hadlay awoodda difaaca Arsenal, ciyaartoyda uu u arko inay mustaqbalka halyeeyo ka noqon kara kooxda, iyo sidoo kale daafacyadii dhexe Ee ugu fiicnaa Ee uu abid ku arkay Premier League.

Advertisment

‎‎Isagoo ka hadlayay difaaca Arsenal, Terry wuxuu sheegay inay yihiin koox aad u adag oo ay adag tahay in laga hor yimaado, isagoo xusay in haddii ay sii wadaan heerka ay hadda joogaan oo ay ku guuleystaan horyaallo xiriir ah, ay xaqiiqdii mudan doonaan in lagu daro doodda difaacyadii ugu fiicnaa taariikhda.

‎‎”Waa difaac aad u wanaagsan oo runtii dadka kale dhib ku haya. Haddii ay gaaraan heerka aan ka filayo oo ay ku guuleystaan horyaalka xilli ciyaareedyo isku xiga, waa in lagu daraa doodda difaacyadii ugu fiicnaa taariikhda.

‎‎”Gabriel iyo ciyaartoyda kale waxay leeyihiin awood weyn. Runtii aad bay u fiican yihiin,” ayuu yiri Terry.

‎‎Terry oo ka hadlay mustaqbalka Gabriel Magalhães iyo difaacyada Arsenal:

‎Markii wax laga weydiiyay in ciyaartoyda difaaca Arsenal ay mustaqbalka noqon karaan halyeeyo, isla markaana ay geli karaan taariikhda daafacyadii ugu fiicnaa Premier League, Terry wuxuu sheegay in ciyaartoyda lagu qiimeeyo xilligii ay ciyaarayeen iyo muddada ay heerka sare ku jireen.

‎‎Wuxuu tusaale u soo qaatay daafacyadii hore sida Steve Bruce iyo Gary Pallister, isaga, Sol Campbell iyo Rio Ferdinand, iyo jiilka cusub ee ay ka mid yihiin Virgil van Dijk iyo Gabriel.

‎Terry wuxuu si gaar ah u adkeeyay in joogteynta qaab ciyaareedku ay tahay shuruud muhiim ah marka la qiimeynayo ciyaaryahan weyn.

‎‎”Ma dhihi kartid ciyaaryahan wuxuu gaaray heerka ugu sarreeya taariikhda sababtoo ah wuxuu si fiican u ciyaaray saddex ama afar sano. Waa inaad muddo dheer joogteysaa heerkaas.”

‎‎”Tusaale ahaan, Rio Ferdinand wuxuu Manchester United u ciyaaray sannado badan, isagoo mar walba joogay heerkii ugu sarreeyay. Wuxuu muddo 15 ama 16 xilli ciyaareed ah ku sugnaa heerka ugu sarreeya ee Premier League, taasina waa arrin aad muhiim iigu ah marka aan qiimeynayo ciyaaryahan,” ayuu Terry sharaxay.

‎John Terry oo magacaabay daafacyadii dhexe Ee ugu fiicnaa taariikhda Premier League:

‎‎Terry ayaa sidoo kale la weydiiyay inuu kala sarreyn karo shanta daafac dhexe ee ugu fiicnaa taariikhda Premier League. Isagoo aan wax shaki ah ka muujin kaalinta koowaad, wuxuu sheegay inuu isagu yahay daafaca dhexe ee ugu fiican taariikhda horyaalka.

‎‎Markii uu magacaabay ciyaartoyda kale, wuxuu kaalinta labaad siiyay Rio Ferdinand, halka kaalinta saddexaad uu geliyay Ricardo Carvalho, oo ay waqtiyo wanaagsan isla soo qaateen Chelsea.

‎‎Terry wuxuu Carvalho ku tilmaamay ciyaaryahan heer sare ah, isagoo sheegay in saddexdii ama afartii sano Ee ay wada ciyaarayeen uu soo bandhigay qaab ciyaareed aan caadi ahayn.

‎”Wuxuu ahaa ciyaaryahan cajiib ah. Wuxuu ciyaarta ka dhigi jiray mid aad u fudud. Wuxuu lahaa xawaare, awood jireed, dagaal iyo faham aad u wanaagsan oo ciyaarta ah. Awooddiisa akhrinta ciyaarta waxay ka mid ahayd kuwii ugu fiicnaa ee aan abid la ciyaaray,” ayuu yiri Terry.

‎‎Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda iskaashiga labada daafac dhexe, isagoo tusaale u soo qaatay Rio Ferdinand iyo Nemanja Vidić, Jamie Carragher iyo Sami Hyypiä, iyo isaga iyo Gary Cahill.

‎‎Sidoo kale, Terry wuxuu amaanay Virgil van Dijk, isagoo sheegay in inkastoo uusan helin lamaane difaac oo muddo dheer si joogto ah ula ciyaara, haddana uu soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah.

‎‎Markii uu sii faahfaahinayay kala sarreyntiisa, Terry wuxuu sheegay in xulashadiisa ay noqon lahaayeen isaga, Rio Ferdinand, Ricardo Carvalho iyo Nemanja Vidić, isagoo sidoo kale Virgil van Dijk u arka ciyaaryahan mudan inuu doodda ku jiro.

‎‎Waxaa intaas dheer inuu amaanay daafacyadii kale ee uu ka mid ahaa Jamie Carragher, Sol Campbell iyo Ledley King, kaasoo uu ku tilmaamay ciyaaryahan aad u wanaagsan inkastoo uu dhibaatooyin joogto ah kala kulmay jilibkiisa, taasoo xitaa ka hor istaagi jirtay inuu si caadi ah u tababarto.

‎‎Terry oo Arsenal u saadaaliyay ku guuleysiga horyaalka:

‎Dhanka tartanka horyaalka Premier League, Terry wuxuu sheegay in Liverpool ay awood u leedahay inay tartanka wax weyn ka beddesho, balse dhibaatada ugu weyn Ee kooxaha kale ay tahay joogteyn la’aanta qaab ciyaareedkooda.

‎Wuxuu xusay in Arsenal ay tahay kooxda keliya Ee aan la kulmin hoos u dhac weyn, taasoo ka dhigaysa kooxda ugu cadcad ku guuleysiga horyaalka.

‎Inkasta oo uu sheegay inuusan jeclayn inuu arko Arsenal oo guuleysaneysa, maadaama uu yahay halyeey hore oo Chelsea ah, haddana wuxuu qiray inuu si weyn u ixtiraamayo waxa ay kooxdaasi qabaneyso.

‎‎”Runtii ma doonayo inaan arko Arsenal oo guuleysaneysa, laakiin waa inaan si buuxda u qiraa dadaalkooda oo aan ixtiraamaa, sababtoo ah waxay sii wadaan guuleysiga kulamada.”

‎‎”Gaar ahaan marka ay wajahaan kooxaha waaweyn, waxay awoodaan inay guulo 1-0 ah gaaraan oo ay natiijooyin ka helaan kulamada adag. Waxay sameynayaan wixii aan annagu sameyn jirnay waagii hore.”

‎‎”Waxa aan si gaar ah uga helo waa in kooxda oo dhan ay difaacato. Marka aan daawado Arsenal, waxaan dareemaa inaan wax kasta oo ay sameynayaan ka helayo. Waxay ciyaaraan kubad wanaagsan, way goolal dhaliyaan, sidoo kalena si adag ayay u difaacdaan,” ayuu yiri kabtankii hore ee Chelsea.

‎Terry oo xusuustay qaabkii Chelsea ugu guuleysan jirtay kulamada adag:

‎Ugu dambeyntii, Terry wuxuu dib u xusuustay qaabkii Chelsea ay ugu guuleysan jirtay kulamada adag xilligii uu kooxda ka tirsanaa, isagoo sheegay in guulaha 1-0 ah ay ahaayeen natiijooyin aad muhiim u ah.

‎‎Wuxuu tusaale u soo qaatay kulamadii ay martida ugu ahaayeen kooxaha sida Middlesbrough, Crystal Palace iyo Bolton, isagoo sheegay in mararka qaar aysan muhiim ahayn sida ciyaartu u dhacdo, balse waxa ugu muhiimsan ay tahay inaad saddexda dhibcood hesho.

‎Terry wuxuu sidoo kale xusay wada sheekeysigii isaga iyo Frank Lampard ay ku yeelan jireen baska kooxda, halkaas oo ay ka hadli jireen muhiimadda ay leedahay in laga soo laabto kulamada adag iyagoo wata guul 1-0 ah.

‎‎”Markii aan Bolton u safreynay, haddii aan halkaas kala soo laaban karno guul 1-0 ah, maalin kasta waan aqbali lahayn natiijadaas.

‎‎”Lampard wuxuu oran jiray inta uu gool dhalin karo, wax kale muhiim ma aha. Kadib saddex saacadood markii ay dhaafto, waxaan baska dib ugu soo laaban jirnay London annagoo guul 1-0 ah soo gaarney. Taasi waxay ahayd kaamilnimo,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay John Terry.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here