Paul Merson ayaa saadaal ka bixiyay kulanka Arsenal iyo Manchester City Ee toddobaadkan wada ciyaarayaan, isaga oo sheegay in kooxaha kale aysan mar dambe ka baqayn kooxda Citizens.
Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates Stadium ku soo dhoweyn doonta kooxda ay xafiiltamaan Ee Man City maalinta Axadda, kulan ka mid ah kuwa go’aamin kara sida uu noqon doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka.
Arsenal ayaa haatan lix dhibcood ka sarreysa Brighton oo ku jirta kaalinta labaad iyo Man City oo ku jirta kaalinta saddexaad, kaddib 11 kulan oo laga ciyaaray Premier League.
Man City ayaa xilli ciyaareedkii hore Arsenal kaga dhammaatay toddobo dhibcood, iyadoo Gunners ay soo afjartay sugitaan 22 sano ah oo ay ku doonaysay inay ku guuleysato horyaalka Premier League, balse Citizens ayaa durba xilli ciyaareedkan laga badiyay saddex kulan.
Haatanna Paul Merson ayaa aaminsan in kooxda Enzo Maresca ay xilli ciyaareedkan lumisay cabsidii ay kooxaha kale ku qabi jireen, tan iyo markii Pep Guardiola lagu beddelay tababaraha reer Talyaani.
Merson ayaa Sky Sports u sheegay:
“Man City waa inay garoonka u soo baxaan oo ay u ciyaaraan taageerayaashooda, waayo iyaga ayaa lacagtooda bixinaya. Ciyaartoydu waxay qaataan £300,000 toddobaadkii, halka taageerayaashu ay yihiin dadka lacagta ku bixinaya inay daawadaan oo ay garoonku yimaadaan.”
“Man City waxyaabo badan ayaa hadda laga fahmayaa. Mar walba waxaan dhihi jiray, xitaa xilligii ay ciyaarayeen kubbaddoodii ugu fiicnayd, fursado ayay kaa siin jireen. Waxa kaliya Ee loo baahan yahay waa inaad fursadahaas ka faa’iidaysato.”
“Markii hore waxay ahayd sidan: waxaad tagtaa Etihad, si fiican ayaa laguu garaacaa, waxaadna garoonka kaga baxdaa guuldarro 3-0 ah oo aad xitaa ku faraxsan tahay, dabadeed baska ayaad dib ugu laabataa, sababtoo ah waxay awood u lahaayeen inay kulamada ku badiyaan lix ama toddobo gool.’
“Laakiin si lama filaan ah ayay u bilaabeen inay kulamada badiyaan, iyagoo isla waqtigaas difaac ahaan furan. Haatanna kooxuhu kama baqayaan.”
“Kooxuhu waxay og yihiin inay fursado heli doonaan haddii ay weeraraan, isla markaana ay heli doonaan fursado ku filan oo ay kulamada kubadda cagta ku guuleysan karaan, mana aha hal ama laba fursadood oo keliya.”
“Haddii aad leedahay geesinimo kugu filan, sida ay Fulham samaysay oo ay ciyaartoy badan ku soo gelisay xerada ganaaxa kooxda kaa soo horjeedda, waad garaaci kartaa Man City.”
“Tani waa dhibaatadooda: aad ayay u furan yihiin, mana jirto cabsi dambe oo laga qabo. Sidoo kale uma maleynayo in Erling Haaland uu helo kubbadihii iyo adeegii uu mudnaa.”
“Waxaad jeclaan lahayd inaad rumaysato in ciyaartoyda City aysan saameyn ku yeelanayn eedeymaha dul yaalla, maadaama uusan qofna ogeyn waxa dhici doona. Sidaas darteed waa inaad ciyaartaa ilaa aad ka ogaato waxa dhici doona.”
“Waxay la mid tahay nolosha: qofna kuu sheegi maayo waxa berri dhici doona, sidaas darteed maanta ku noolow.”
Paul Merson oo aaminsan in Haddii Arsenal kulankan badiso, horyaalka ay soo afjareen:
Isagoo ka hadlayay kulanka Man City ay Axadda ugu safreyso Arsenal, Merson ayaa saadaaliyay:
“Haddii Arsenal kulankan badiso, horyaalka waa la soo afjaray. Waxay markaas yeelan doonaan sagaal dhibcood oo ay ku hoggaaminayaan horyaalka, tartankuna si aad u degdeg badan ayuu u dhammaan karaa.”
“Arsenal ayaa qeybtii hore Ee ciyaarta si buuxda uga awood badnayd Newcastle, haddii ay ahaan lahayd ciyaar feer ah, Newcastle waxay tuuri lahayd tuwaalka oo ay is dhiibi lahayd.”
“Waxay qeybtii labaad ku soo baxeen iyagoo xoogaa feejignaan la’aan ah, Newcastle-na waxay ahayd mid heer sare ah, maadaama ay si weerar leh u ciyaareen. Laakiin markaas Arsenal ayaa is beddeshay, waxayna go’aansadeen inaysan guuldarro la kulmin.”
“Kadibna waxay dhaliyeen mid ka mid ah goolashii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan. Haddii dhammaystirka Noni Madueke uu fiicnaan lahaa, wuxuu noqon lahaa goolkii xilli ciyaareedka. Laakiin markaad aragto sida uu u dhammeeyay, ma ahayn mid wanaagsan, goolhayuhuna waa inuu badbaadiyaa kubadda. Haddii uu kubadda geeska fog si xoog leh ugu diri lahaa, wuxuu ahaan lahaa goolkii xilli ciyaareedka.”
“Waxaan u maleynayaa inaan wax badan ka aragnay kulankii Brighton ay toddobaadkii hore la ciyaartay Hull. Waa mid ka mid ah kulamada aad is leedahay: haddii aadan badin karin, ugu yaraan ha lumin.”
“Waxaad u damqanaysaa Brighton, sababtoo ah Konstantinos Tzolakis wuxuu sameeyay bandhig cajiib ah. Toddobaadkan waa inuu u ciyaarayaa kooxda New York Rangers. Wuxuu u ekaa goolhaye ciyaarta xeegada barafka.”
“Laakiin haddii aad tahay koox khibrad leh oo hore xaaladdan oo kale u soo martay, barbarro waxay noqon lahayd maalin shaqo oo xun, balse waxaad oran lahayd si fiican ayaan u ciyaarnay, goolhayaha kooxda naga soo horjeeddayna wuxuu sameeyay bandhig cajiib ah, ugu dambeyntiina kama aanaan lumin kulan aan marti ku ahayn. Laakiin iyagu way guuldarreysteen.”

