Kooxda Manchester City ayaa lagu soo warramayaa inay go’aan ka gaartay inay shaqada ka ceyriso tababaraheeda Enzo Maresca iyo in kale, kaddib natiijooyin liita oo xiriir ah oo ay kooxdu gaartay toddobaadyadii u danbeeye.
Xagaagii, Man City ayaa tababarihii hore Ee Chelsea Ee Enzo Maresca, u magacowday inuu beddelo macallinkoodii hore Ee ay aadka u jeclaayeen Ee Pep Guardiola.
Maresca ayaa horay uga soo hoos shaqeeyay Guardiola markii uu joogay Man City, waxaana la sheegay in tababarihii ka horreeyay uu maamulka kooxda kula taliyay inay isaga doortaan.
Waxaa sidoo kale xagaagan isbeddello badan lagu sameeyay ciyaartoyda kooxda, iyadoo kiiska Man City Ee ku saabsan jebinta xeerarka dhaqaalaha (FFP) uu isaguna weli yahay arrin taagan, kaddib markii lagu helay dambiga.
Iyadoo ay waxyaabahaasi jiraan, kooxda Man City ayaa si heer sare ah ku bilaabatay bilowga xilli ciyaareedkan, balse qaab ciyaareedkeeda ayaa hoos u dhacay toddobaadyadii ugu dambeeyay.
Maresca ayaa ku dhibtoonayay inuu helo xal uu kooxdiisa kaga soo saaro qaab ciyaareedkeeda ugu wanaagsan, iyadoo Man City ay badisay hal kulan oo keliya toddobadii kulan Ee ugu dambeysay ay dhammaan tartamada oo idil ciyaareen.
Arrintan ayaa keentay in Man City ay ku dhacdo kaalinta saddexaad Ee kala sareynta Horyaalka Premier League, waxaana ay doonayaan inay dib ugu soo laabtaan guulaha marka ay Axadda garoonka Emirates kula ciyaarayaan kooxda Hogaamineysa Horyaalka Ee Arsenal.
Man City oo go’aan ka gaartay ceyrinta Enzo Maresca:
Ka hor kulanka weyn Ee ay la ciyaarayaan kooxda Arsenal, cadaadis ayaa saaran Macalin Enzo Maresca, waxaana uu lumiyay taageerada qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda. Hase yeeshee, warbixin ay qortay Wargeyska Football Insider ayaa sheegaysa inuu “u muuqdo mid aan shaqada laga ceyrin doonin mustaqbalka dhow, inkastoo ay Man City ka jirto niyad-jab.”
Sidoo kale, garoonka Etihad waxaa ka jira “digniino walaac leh” oo la xiriira qaab ciyaareedkii ugu dambeeyay Ee Man City, balse wariye Pete O’Rourke ayaa aaminsan in falcelinta maamulka kooxda ay tahay in “aysan jirin wax cadaadis ah oo uga imaanaya gudaha kooxda.”
O’Rourke ayaa u sheegay Football Insider:
“Uma maleynayo inuu wajahayo cadaadis degdeg ah, ugu yaraan ma jiro qof ka tirsan gudaha kooxda oo cadaadis saaraya.”
“Natiijooyinku waayadan dambe ma fiicna, waxayna badiyeen hal kulan oo keliya toddobadii kulan ee ugu dambeysay dhammaan tartamada, sidaas darteed arrintaasi si dabiici ah ayay cadaadis u abuureysaa.”
“Taageerayaashu kuma faraxsana, gaar ahaan barbarraha 1-1 Ee ay la galeen Fulham iyo sidoo kale barbarraha Champions League Ee ay bartamihii toddobaadka la galeen Napoli.”
“Waa shaqo aad u adag inaad beddesho Pep Guardiola, balse waa inaad xusuusnaataa in isaguba uu shaqadan ku cusub yahay, sidaas darteed waqti ayay qaadan doontaa inuu kooxdiisa gaarsiiyo hab ciyaareedkiisa iyo fikradihiisa.”
“Sidaas darteed, haa, waxaan u maleynayaa inay jirto xoogaa niyad-jab ah oo ka dhex jira taageerayaasha, balse dhab ahaantii ma jiro wax cadaadis ah oo uga imaanaya gudaha kooxda Man City.”

