Kooxda Club Brugge iyo Carlos Forbs kuma degdegayaan inay kala tagaan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Janaayo Ee soo socda, sida ilo xog-ogaal ah ay u sheegeen Wargeyska TEAMtalk, iyadoo ciyaaryahanka lala xiriirinayo Arsenal, halka Aston Villa iyo Newcastle ay sidoo kale xiiseynayaan.
Garabkan weerarka midig uga ciyaara xulka Portugal ayaa ku jira xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa tan iyo markii uu dib u soo ifbaxay, isagoo qaab ciyaareed cajiib ah la soo bandhigaya kooxda heysata horyaalka Belgium, Club Brugge, kadib markii uu Ajax kaga soo biiray xagaagii 2025.
Ciyaaryahanka ayaa ilaa hadda xilli ciyaareedkan dhaliyay shan gool, wuxuuna sameeyay siddeed caawin, isagoo guud ahaan saftay 17 kulan tartamada oo dhan.
Qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ee uu dib uga helay Belgium ayaa sidoo kale u horseeday inuu gaaro heerka xulka qaranka koowaad, isagoo markii ugu horreysay u saftay xulka Portugal, isla markaana indhaha dadka ku soo jiitay tartanka Champions League.
TEAMtalk ayaa horay u shaacisay in Aston Villa iyo Newcastle United ay ka mid ahaayeen kooxaha Premier League ee si dhow ula socday ciyaaryahankan garabka ka ciyaara, kaasoo hore ugu soo ciyaaray Wolves.
Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in xiisaha Villa iyo Newcastle uu weli sidiisii yahay, taasoo aan la yaab lahayn marka la eego qaab ciyaareedka wanaagsan ee uu ciyaaryahanku ku jiro.
Labada kooxoodba waxay 22-jirkan u arkaan ciyaaryahan ku habboon inay ku xoojiyaan garabkooda midig, iyadoo dhammaan kulamadii uu Forbs xilli ciyaareedkan u saftay kooxda uu hoggaamiyo Ivan Leko uu ka ciyaaray dhanka midig ee weerarka Brugge.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo kooxaha Ingiriiska ay si weyn ula socdaan xaaladdiisa, haddana ciyaaryahanka iyo Club Brugge midkoodna kuma degdegayo inay kala tagaan bartamaha xilli ciyaareedka, iyadoo labada dhinacba ay ku qanacsan yihiin inay wada shaqeeyaan inta ka harsan xilli ciyaareedka.
Xiriirinta Carlos Forbs iyo Arsenal oo la beeniyay:
Arsenal ayaa sidoo kale si hordhac ah loola xiriiriyay inay u dhaqaaqi karto saxiixa Forbs, kadib markii indha-indheeyayaal ka socda kooxda ay dhowr jeer booqdeen garoonka Jan Breydel Stadium, oo ay ku jirto ciyaartii Champions League ee ay habeenkii Arbacada la yeesheen Liverpool.
Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah ayaa noo sheegay in Arsenal aysan hadda suuqa ugu jirin ciyaaryahan inta badan ka ciyaara garabka midig, inkastoo madaxda kooxda u qaabilsan soo xulista ciyaartoydu ay si dabiici ah ula socdaan horumarka cajiibka ah ee uu sameynayo.
Waxaan fahamsanahay in Arsenal ay si joogto ah ula socotay Club Brugge, balse sababta ugu weyn ee booqashooyinkooda indha-indheynta ay ahayd weeraryahanka da’da yar ee Nicolo Tresoldi, halkii ay ka ahaan lahayd Forbs.
Weeraryahankan 22-jirka ah, kaasoo Hannover 96 kaga soo biiray kooxda bishii Juun 2025, ayaa xilli ciyaareedkan si weyn uga dhex muuqday kubadda cagta Yurub, isagoo Champions League oo keliya ka dhaliyay shan gool, waxaana ka mid ahaa saddexleydii cajiibka ahayd ee uu bishii hore ka dhaliyay Inter Milan garoonkeeda.
Club Brugge, sida ay xaaladdu tahay Carlos Forbs, aad ayay uga cagajiidayaan inay Tresoldi fasaxaan suuqa kala iibsiga jiilaalka, haddii aysan helin dalab ay u arkaan mid aysan diidi karin.
Arsenal ayaa laga yaabaa inay suuqa gasho bisha Janaayo si ay u hesho weeraryahan cusub haddii ay soo baxdo fursad ku habboon, waxaana suuragal ah in haddii ay weeraryahan cusub la soo saxiixdaan, Viktor Gyokeres loo oggolaado inuu kooxda ka tago.

