Liverpool oo target ka dhigatay laba goolhaye oo ay doonayso inay la soo saxiixato, iyadoo u aqoonsatay bedelka Alisson Becker 

0

Kooxda Liverpool ayaa labo sano ka hor Goolhaayaha Reer Georgia Ee Giorgi Mamardashvili kula soo saxiixatay lacag dhan £30 milyan, balse wararka ayaa sheegaya inay hadda eegayso laba goolhaye oo kale oo suuragal ah inay ka dhigaan beddelka Goolhaayaha koowaad Ee kooxda Mr Alisson Backer, taasoo muujinaysa inaysan si buuxda ugu qanacsanayn in goolhayaha reer Georgia uu booskiisa la wareegi karo.

Alisson oo 34 jir ah ayaa weli ah goolhayaha koowaad Ee Liverpool Ee uu hoggaamiyo Macalin Andoni Iraola, isagoo ku soo bilowday dhammaan 11-kii kulan Ee Horyaalka Premier League ay Reds ciyaartay xilli ciyaareedkan.

Advertisment

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo qandaraaska goolhayaha reer Brazil uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan, isla markaana aan la hubin in loo kordhin doono, Liverpool ayaa raadineysa goolhayeyaal suuragal ah inay beddelaan Alisson.

Arrintani waxay war xun u noqon kartaa Mamardashvili, kaasoo xilli ciyaareedkan kaliya laba kulan ka soo muuqday tartanka Carabao Cup.

Sida uu sheegayo wargeyska Faransiiska ka soo baxa Ee L’Equipe, kooxda Liverpool ayaa gudaha kooxdeeda ka yeelatay wadahadallo ku saabsan inay la soo saxiixato goolhayaha kooxda Lens u ciyaara kaas oo lagu magacaabo Robin Risser.

21-jirkan ayaa loo arkaa mid ka mid ah goolhayeyaasha da’da yar Ee ugu wanaagsan Horyaalka Ligue 1, waxaana xilli ciyaareedkii hore xiiseynayay kooxaha Newcastle iyo Tottenham Hotspur.

Kooxda PSG ayaa sidoo kale si weyn uga fiirsatay inay xagaagii la soo saxiixato Risser, balse ugu dambeyn way ka laabatay. Kooxda heysata horyaalka Yurub ayaa hadda ‘go’aansatay inaysan dib u bilaabin’ xiisihii ay u qabtay, taasoo tartanka ka dhigeysa mid furan, iyadoo Liverpool ay si buuxda ugu jirto.

Si kastaba ha ahaatee, Risser ma aha goolhayaha kaliya Ee ay Reds ka fiirsaneyso.

Liverpool oo fursad u heshay inay la soo saxiixato Diogo Costa:

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Gudaha Dalka Portugal oo uu soo xigtay Sport Witness, Liverpool ayaa xiiseyneysa goolhayaha Porto Ee Diogo Costa, waxaana sidoo kale doonaya kooxaha Bayern Munich iyo PSG.

Arrinta ugu muhiimsan ayaa ah in la sheegay in Porto ay diyaar u tahay inay Costa iibiso haddii ay hesho qiimaha ku habboon Goolhaayahan.

27-jirkan ayaa horay si weyn loola xiriiriyay inuu u wareego kooxaha Premier League kaciyaara, kadib markii uu isu muujiyay inuu yahay mid ka mid ah goolhayeyaasha ugu qiimaha badan Yurub ka ciyaara.

Costa ayaa muddadii uu joogay Porto ku guuleystay 11 koob oo waaweyn, wuxuuna hadda yahay goolhayaha koowaad Ee xulka qaranka Portugal.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay sheegaysaa in Porto ay diyaar u tahay inay Goolhayahan ku iibiso qiimo ka hooseeya lacagta €60 milyan (£50.2 milyan ilaa 65.8 milyan) ee lagu burburin karo qandaraaskiisa.

“Dalab u dhexeeya €45 milyan ilaa €50 milyan ayaa xagaaga soo socda ku filnaan kara,” ayuu Sport Witness ku daray warbixintiisa. “Porto iyo Costa labaduba waxay u muuqdaan inay isku raacsan yihiin in lacagta ku qoran qandaraaska ay aad ugu badan tahay goolhaye marka la eego suuqa hadda jira.”

“Waxaa sidoo kale jira arrin shaqsiyeed oo go’aankan saameyn ku leh. Costa ayaa gudaha kooxda ka sheegay inuu ku riyoonayo inuu u ciyaaro mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Yurub. Si kastaba ha ahaatee, waligiis cadaadis ma saarin kooxda si uu uga tago.”

“Porto waxay u aragtaa inay siiso fursaddaas inay tahay hab ay ugu abaalmarinayso daacadnimadiisa iyo xirfaddiisa wanaagsan.”

Sidaas darteed, Liverpool waxay ku jirtaa tartanka ay ku doonayso inay ku hesho mid ka mid ah goolhayeyaasha ugu wanaagsan Yurub, iyadoo aan bixin lacag aad u badan.

Risser iyo Costa waa laba Goolhaaye oo mudan in si dhow loola socdo, iyadoo Liverpool ay ka fiirsaneyso inay jiho cusub u qaaddo waaxdeeda goolhayeyaasha.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here