Ciyaaryahankii hore Ee khadka dhexe uga ciyaari jiray kooxda Manchester United Paul Pogba ayaa ugu baaqay dhammaan Taagerayasha Kooxda Man United inay Mauricio Pochettino iyo ciyaartoyda kooxda siiyaan waqti, sida ay Arsenal waqti u siisay Macalin Mikel Arteta.
Manchester United ayaa shaqada ka cayrisay Michael Carrick intii lagu jiray fasaxii ciyaaraha caalamiga ah, waxaana booskiisa lagu beddelay tababarihii hore Ee Tottenham Mauricio Pochettino.
Carrick ayaa Manchester United uga tagay iyadoo ku jirta aagga loogu laabto heerka labaad Ee Championshipka, halka Pochettino uusan weli wax ka beddelin xaaladda kooxda labadiisii kulan Ee ugu horreeyay Ee uu hoggaamiyo.
Pochettino ayaa hoggaamiyay kooxdiisa markii ay 4-0 guuldarro kala kulmeen Liverpool kulan ka tirsanaa Premier League, halka Manchester United ay habeenkii Arbacada barbaro 2-2 ah la gashay Sporting Lisbon kulan ka tirsanaa koobka dhaga weynaha Champions League-ga.
Pogba ayaa aaminsan in Manchester United ay hadda u baahan tahay inay tababaraha siiso waqti, kaddib markii ay tababarayaal badan soo martay tan iyo markii Sir Alex Ferguson uu ka tegay Old Trafford sannadkii 2013-kii. Wuxuu xaaladdan la mid dhigay tii Arsenal kaddib markii uu Arsene Wenger ka tegay kooxda.
Pogba ayaa u sheegay Wargeyska talkSPORT:
“Waan ku faraxsanahay in Pochettino uu halkaas aaday, sababtoo ah waxaan u arkaa inuu yahay tababare weyn. Sidoo kale waan ka murugaysanahay Michael Carrick, sababtoo ah uma maleynayo inuu helay waqti ku filan oo uu isku muujiyo, kuna caddeeyo awooddiisa tababareed.”
“Laakiin waxaan u maleynayaa inaan u baahanahay inaan kooxdan waqti siino. Waxaan ognahay inay jiraan taageerayaal badan oo adduunka oo dhan jooga, dhammaanteenna waxaan rabnaa in Manchester United ay guuleysato, waxaana dhammaanteen u maleyneynaa inay tahay inay beddelaan tababaraha.”
“Waxa keliya Ee aan ka aaminsanahay kooxdan, maadaama aan horay uga soo ciyaaray, waa inay u baahan yihiin waqti, isla markaana ay hagaajiyaan waxyaabaha gudaha kooxda ka jira.”
“Qof walba wuxuu u baahan yahay inuu isku mowqif noqdo, tababarahana la siiyo waqti uu ku fuliyo qorshihiisa… Ciyaartoyduna waa inay soo bandhigaan waxqabad wanaagsan, ayna fahmaan tababaraha. Sidaas ayay meel fog ku gaari karaan, sida Arsenal oo kale.”
“Arsenal waxay waqti weyn la qaadatay Thierry Henry. Waxay soo mareen xilli ciyaareedyo wanaagsan, waxay gaareen final-ka Champions League, waxayna ku guuleysteen Premier League. Kadibna waxay qaadatay waqti dheer inay mar kale guuleystaan. Immisa sano ayay qaadatay tan iyo markii ugu dambeysay ee Arsenal ay ku guuleysatay Premier League? Bal is weydiiya”
“Laakiin cadaadiska, waan ogahay inay tahay koox weyn oo Manchester United ah, aad buu uga yaraa kii ay wajahayeen. Waxay Arsenal u oggolaadeen inay iyadu jidkeeda ku soo laabato heerka sare.”
“Taasi waa waxa aan u maleynayo in Manchester United u baahan tahay. Waxaan u baahanahay inaan joojino inaan uga hadalno sidii inay weli yihiin kooxdii ay ahaan jireen waagii hore.’
“Waa inaad ixtiraamtaan, waana inaad u oggolaataan inay mar kale kobcaan oo ay dib ugu soo laabtaan heerka sare.”
Manchester United weli kuma jirto dagaalka loogu harayo heerka koowaad… balse way geli kartaa – sidaas waxaa yiri Silvestre
Daaficii hore Ee Manchester United, Mikael Silvestre, ayaa ku adkeysanaya in Red Devils aysan hadda ku jirin dagaalka loogu harayo heerka koowad, balse ay geli doonaan haddii ay weli ku jiraan saddexda kooxood Ee ugu hooseeya marka la gaaro bisha Abriil.
Silvestre ayaa u sheegay Best Betting Bonuses:
“Weli maya. Ma aha bisha Novembar. Weli waxay haystaan waqti ku filan oo ay kaga soo baxaan halkaas. Xaqiiqdii ma rabtid inaad saddexda boos ee ugu hooseeya ku jirto marka la gaaro bisha Abriil.”
“Haddii aad halkaas joogto bisha Janaayo, waxaad u baahan tahay inaad bilowdo loollankaaga gaarka ah Ee kooxaha kula jooga meesha ugu hooseysa, si aad u aragto cidda ka bixi doonta. Waxay nacasnimo noqon lahayd in ciyaartoydu u maleeyaan inay ka bixi karaan xaaladdan sababtoo ah waa Manchester United. Ciyaartoydani ma iska indho tiri karaan xaqiiqda ah in haddii ay sidan ku sii socdaan, ay ku dambeyn doonaan dagaalka loogu harayo heerka koowaad.”
“Waxay hadda u baahan yihiin natiijooyin. Waxay u baahan yihiin inay soo toosaan. Xaqiiqadu si xooggan ayay wajigooda ugu dhacaysaa. Waa waqtigii ficilka, haddii kale waxay geli doonaan dhibaato weyn. Waxay u baahan yihiin inay la dagaallamaan kooxaha kale, waana inay muujiyaan dadaal dhab ah oo ay xaaladdan wax kaga beddelayaan, iyagoo u shaqeynaya sida ugu adag ee ay awoodaan.”

