Zidane oo kahadlay laacibkii Mudna kubadda dahabka & sida lo boobay ?

0

Halyeeyga kubadda cagta Faransiiska, Zinedine Zidane, ayaa sheegay in Kylian Mbappé uu mudnaa inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or 2026.

Mbappé ayaa kaalinta labaad ka galay kala sarreynta abaalmarinta sannadkan, waxaana ku guuleystay Harry Kane.

Advertisment

Wareysi uu dhawaan siiyay Telefoot, Zidane ayaa wax laga weydiiyay abaalmarinta, isagoo sheegay in qof walba uu jecel yahay inuu ku guuleysto ciyaaryahanka uu taageero.

Halyeeyga Real Madrid ayaa yiri, sida ay baahisay Diario AS:

“Marka laga hadlayo Ballon d’Or, qof walba wuxuu leeyahay dookhiisa ku saabsan cidda ku guuleysanaysa.

“Mbappé wuxuu galay kaalinta labaad, waana inaan aqbalnaa natiijada. Wuu ka niyad jabay, sababtoo ah wuxuu mudnaa inuu ku guuleysto Ballon d’Or, taasina waa hubaal.”

Mbappé ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Real Madrid tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Paris Saint-Germain.

Kabtan-ka xulka Faransiiska ayaa sidoo kale ku guuleystay kabta dahabka ah ee Koobkii Adduunka 2026, kadib markii uu noqday gool-dhaliyaha ugu sarreeya tartanka.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here