Fermín López oo Ka Hadlay Guushii Barcelona ee Atlético Madrid, Kana Mahadceliyay Lamine Yamal

0

Xiddiga Barcelona ee Fermín López ayaa ka hadlay guushii muhiimka ahayd ee kooxdiisu ka gaartay Atlético Madrid, kaddib markii uu dhaliyay labada gool ee Barcelona ku badisay kulankii ka tirsanaa wareegga 12-aad ee horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa 2-1 kaga soo adkaatay Atlético Madrid, iyadoo markii hore lagaga hormaray gool, balse kooxda tababare Hansi Flick ay awoodday inay ciyaarta dib ugu soo laabato oo ay saddexda dhibcood qaadato.

Advertisment

Fermín López oo ciyaarta kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulanku ahaa mid aad u adag, gaar ahaan maadaama Atlético Madrid ay xilli ciyaareedkii hore kaga adkaatay Barcelona tartamada Copa del Rey iyo Champions League.

“Waxay ahayd ciyaar aad u adag. Waxaan ka nimid xilli ciyaareed ay naga badiyeen labadii tartan ee Copa del Rey iyo Champions League. Kulanku wuxuu ahaa mid adag, waxaana xaaladdu sii adkaatay markii ay goolka koowaad dhaliyeen, balse waxaan ku guuleysannay inaan ciyaarta dhinaceeda beddelno, waxaana soo bandhignay qaab ciyaareed wanaagsan,” ayuu yiri Fermín.

Markii wax laga weydiiyay goolkii ay Atlético Madrid ku hormartay, xiddiga reer Spain ayaa sheegay in kooxdiisu aysan weli helin hab ciyaareedkeedii caadiga ahaa, maadaama kooxda martida loo ahaa ay cadaadis xooggan ka wadday khadka dhexe.

Wuxuu intaas ku daray in goolka laga dhaliyay uu ugu dambeyn Barcelona siiyay fursad ay si xorriyad badan ugu ciyaarto, isla markaana ay hirgeliso qaab ciyaareedkeeda.

Fermín López oo ammaanay Lamine Yamal

Fermín ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay wada shaqeynta iyo isfahamka kala dhexeeya Lamine Yamal, isagoo rajeynaya in xiriirkooda ciyaareed uu muddo dheer sii socdo.

“Waxaan rajeynayaa in isfahamkan uu muddo dheer sii socdo. Si wanaagsan ayaan isu fahannaa, waxaana aaminsanahay in kubaddii uu ii soo dhiibay goolkii labaad ay ahayd kala bar qiimaha goolkaas. Aad ayaan ugu faraxsanahay isaga,” ayuu yiri.

Goolkii labaad ee Fermín López ayaa yimid kaddib caawin qurux badan oo uu ka helay Lamine Yamal, taas oo Barcelona u xaqiijisay guusha.

Fermín López ayaa sidoo kale kulankan u ciyaaray markii 100-aad ee horyaalka La Liga, wuxuuna sheegay inuu shaadhkii uu xirnaa qeybtii hore ee ciyaarta ku reebay qolka labiska si uu xusuus ahaan ugu keydsado.

Wuxuu intaas ku daray inuu qeybtii dambe arkay qof sita boorar, isla markaana uu mar walba isku dayo inuu shaadhadhkiisa ciyaareed hadiyad ahaan u siiyo taageerayaasha.

Guushan ayaa Barcelona gaarsiisay 33 dhibcood, iyadoo hoggaanka La Liga ku haysa saddex dhibcood oo ay ka sarreyso Real Madrid iyo shan dhibcood oo ay ka sarreyso Atlético Madrid.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here