Daaficii hore ee kooxda Chelsea, Frank Leboeuf oo sheegay iney Man utd ulaaban karo heerka 2-aad

0

Daaficii hore ee kooxda Chelsea, Frank Leboeuf, ayaa ka digay in Manchester United ay u laaban karto heerka labaad haddii ay sii haystaan tababare Michael Carrick.

Leboeuf oo la hadlayay shabakadda ESPN FC ayaa sheegay inuusan arkin wax xal ah, isla markaana ay Red Devils dhowaan ku qasbanaan doonto inay shaqada ka cayriso Carrick. Kooxda Carrick ayaa haatan ku jirta khadka cas ee looga haro horyaalka Premier League ka dib barbarrihii 4-4 ahaa ee ay Axaddii la galeen Aston Villa.

Advertisment

“Wax hagaagaya ma jiraan, mana aragno wax horumar ah,” ayuu Leboeuf ka yiri xaaladda Manchester United.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyay: “Mar kale, waan taageersanahay Michael Carrick, laakiin waxaa imaan doonta waqti aan la haysan doonin dookh kale oo aan ka ahayn in laga takhaluso isaga. Ma arko wax xal ah, mana arko wax wanaag ah oo soo socda, haddii ay sidan ku sii socdaanna waxaad arki kartaa Manchester United oo horyaalka ka haraysa, taas oo ah wax lala yaabo.”

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here