Xiddiga Barcelona iyo xulka qaranka Spain, Lamine Yamal, ayaa laga reebay kulanka xiga ee xulkiisa uu la ciyaarayo Czechia, kaddib markii uu dareemay raaxo-darro dhanka jilibkiisa midig ah.
Wararka laga helayo Spain ayaa sheegaya in Yamal uusan diyaar u noqon doonin kulanka Czechia, maadaama uu u baahan yahay waqti uu kaga soo kabto dhibaatada jilibka.
Sida ay warisay warbaahinta Mundo Deportivo, waxaa la filayaa in 19-jirkan uu dib ugu biiro xulka Spain ka hor kulanka England, kaasoo loo qorsheeyay 15-ka November, haddii uu si wanaagsan uga soo kabto dhaawaca.
Maqnaanshaha Yamal ayaa dhabar-jab ku noqon kara xulka Spain, maadaama uu ka mid yahay ciyaartoyda muhiimka u ah weerarka kooxda.
Dhanka kale, warbixinta ayaa tilmaamaysa in Barcelona iyo xulka Spain ay doonayaan in aan lagu degdegin soo laabashadiisa, si looga fogaado in dhibaatada jilibkiisu kasii darto.
Taageerayaasha Barcelona ayaa hadda rajeynaya in xiddigooda uu si dhaqso ah uga soo kabto dhibaatadan, isla markaana uu diyaar u noqdo kulamada soo socda.
KOoxda.com – Wararka kubadda cagta oo waqtigooda ku hel.

