Xulka France Oo Garaacay Xulka Ciraaq

Xulka Qaranka Faransiiska ayaa guul muhiim ah ka gaaray dhiggiisa Ciraaq kadib markii ay ku garaaceen 3-0 kulankii wareegga labaad ee Group 9 ee Koobka Adduunka 2026.

 

Markii uu garsooreha reer Kanada Drew Fischer afuufay seeriga bilowga ciyaarta, Faransiiska ayaa si degdeg ah ula wareegay gacan ku haynta ciyaarta, halka Ciraaq ay ku tiirsanayd difaac adag iyo weerarro rogaal-celin ah.

 

Daqiiqaddii 14-aad, Kylian Mbappé ayaa dhaliyay goolka koowaad ee ciyaarta kadib markii uu kubbad xooggan oo meel fog laga soo tuuray ku hubsaday shabaqa goolhaye Ahmed Basil, taasoo hoggaanka u dhiibtay Faransiiska.

 

Faransiiska ayaa dhowr jeer gaaray goolka Ciraaq, iyagoo sameeyay fursado badan oo khatar ah si ay u kordhiyaan natiijada ka hor dhammaadka qeybta hore, balse difaaca Ciraaq ayaa ka hortagay qaar ka mid ah weerarradaas. Sidaas darteed qeybta hore ayaa ku dhammaatay 1-0 oo uu Faransiisku ku hoggaaminayo.

 

Bilowga qeybta labaad ayaa dib u dhacay, waxaana gebi ahaanba la faaruqiyay garoonka sababo la xiriira cimilo xumo ka jirtay magaalada Philadelphia, iyadoo hakadku socday in ka badan hal saac.

 

Markii ciyaartu dib u bilaabatay, Faransiiska ayaa sii waday cadaadiska si uu u dhaliyo goolka labaad, waxaana ay taasi u suurtagashay daqiiqaddii 54-aad kadib qalad uu sameeyay daafaca Ciraaq Zaid Tahseen, taasoo u sahashay Mbappé inuu dhaliyo goolkiisii labaad ee ciyaarta isla markaana uu dheereeyo hoggaanka kooxdiisa.

 

Goolka saddexaad waxaa dhaliyay Ousmane Dembélé daqiiqaddii 66-aad, isagoo dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka, taasoo xaqiijisay guul nadiif ah oo 3-0 ah oo Faransiisku ka gaaray Ciraaq.

 

Guushan awgeed, Faransiiska ayaa dhibcahiisa ka dhigtay 6 dhibcood, isagoo hoggaanka u qabtay group-ka isla markaana sugaya natiijada kulanka Norway iyo Senegal. Sidoo kale, Faransiisku wuxuu xaqiijistay u soo bixitaanka wareegga 32-ka.

 

Dhanka kale, Ciraaq ayaa weli dhibco la’aan ah kadib laba guuldarro oo xiriir ah.

 

Faransiiska ayaa wareegga saddexaad iyo kan ugu dambeeya la ciyaari doona Norway Jimcaha soo socda, halka Ciraaq ay isla maalintaas wajihi doonto Senegal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga