Cristiano Ronaldo Muxuu Ka Yidhi In Uu Ka Hor Yimaado Lionel Messi Koobka Adduunka.

Kabtanka xulka Portugal, Cristiano Ronaldo, ayaa sheegay in ay noqon lahayd wax “aad u weyn” inuu la ciyaaro Argentina iyo Lionel Messi Koobka Adduunka 2026.

Ronaldo ayaa warbaahinta la hadlay kadib markii uu laba gool dhaliyay kulankii Portugal ay 4-0 kaga adkaatay Uzbekistan maalintii Talaadada.

Guushaas ayaa Portugal ka dhigtay hoggaamiyaha Group K iyagoo leh afar dhibcood.

Ronaldo ayaa yiri:

“La kulanka Leo Messi ee Koobka Adduunka? Su’aashaas macno badan ma samaynayso… laakiin waa hagaag. Waxay noqon lahayd wax aad u weyn.”

“Diiraddaydu waxay ahayd ciyaarta maanta. Waan guuleysanay, waxaan awooday inaan goolal dhaliyo, waxaana sii wadeynaa inaan wada soconno. Aad ayaan u faraxsanahay.”

Haddii Portugal ay kaalinta koowaad kaga soo baxdo guruubkeeda, waxay wajihi doontaa xulka Argentina ee wareegga siddeed dhammaadka (Quarter-finals) ee Koobka Adduunka 2026.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga