Waa Maxay Sababta Loo Badalay William Saliba? Mikel Arteta Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in William Saliba lagu saaray dhaawac kulankii 1/0 uga badiyeen kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Kadib markii uu maqnaa qeybtii hore ee Sebtembar sabab la xiriirta dhaawac kuraanta ah Saliba ayaa ku soo laabtay kooxda si uu uga qeyb qaato toddobadii kulan ee ugu dambeeyay ee Gunners tartamada oo dhan.

Laakiin daafaca dhexe ayaa ciyaaray kaliya 45 daqiiqo ee derby-ga London ee maanta, iyadoo Cristhian Mosquera uu booskiisa qaatay isaga oo la ciyaaray Gabriel Magalhães kaddib goolkii cajiibka ahaa ee Eberechi Eze ka dhaliyay kooxdiisii hore.

Arteta ayaa qaadanayay hab taxaddar leh oo ku saabsan daqiiqadaha uu Saliba ciyaarayo toddobaadyadii u dambeeyay, isagoo sidoo kale doorbiday in Mosquera uu bilowdo ciyaartii xiisaha lahayd ee 2-1 ay Arsenal kaga adkaatay Newcastle bishii hore.

“Dhaawaca ayaa soo gaadhay Saliba, waxa ay ahayd in uu boxo qaybtii hore”ayuu yidhi Arteta.

“Ma garanayo [xaqiiqda dhaawaca], ma aha sababtoo ah ma doonayo inaan kuu sheego! Laakiin sababta ayaa ah inaanan runtii ogeyn.

“Saliba waxa ay arintu khusaysay laba xaaladooda”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga