Virgil Van Dijk Oo Ka Hadlay Khilaafka Salah Iyo Slot

Kabtanka kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay xiddiga Mohamed Salah Iyo Kooxda Liverpool.

Salah Iyo tababare Slot ayuu khilaaf soo kala dhex galay iyada oo laga reebay kulankii Inter Milan ee champions League.

Sidoo kale Salah ayaa kaydka ku bilowday 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League taas oo keentay khilaafka soo if baxay.

“Xaaladda Mohamed Salah waa mid adag, laakiin waa xaalad adag oo kooxeed oo dhammaanteen aan marayno. Waxaa jira arrimo u dhexeeya Mohamed iyo kooxda oo socda, maanta halkan ma joogo, taasina waa runta. Ma aaminsani in wax isbeddel ah uu ku yimid diiraddeenna iyo go’aankeenna.”

Wuxuu sii raaciyey:

“Ma loo baahan yahay in Salah uu cafis bixiyo? Anigu ma ihi qofka go’aaminaya in qof la cafis weydiiyo iyo in kale. Wuxuu maalmahan muujinayay dareenkiisa. Taasi waa arrin uu keligiis kooxda uga hadlayo, dabcan aniguna sidoo kale. Laakiin diiraddeennu way jirtaa, waxba isma beddelin. Wuxuu sidoo kale tababartay.”

Wuxuu ku daray:

“Mohamed Salah wuxuu dhowaan u safri doonaa Koobka Qaramada Afrika. Waan aqaan muddo dheer, waxaan nahay saaxiibo wanaagsan oo waan soo wada maray waqtiyo fiican iyo kuwo adag. Had iyo jeer waan wada hadalnaa, arrimahanna waxay ku dhex jiraan kooxda sidii la rabay. Waa inaan isu adkeynaa buuqa dibadda ka imaanaya.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga